Kenya: Haweeney cunugeeda ku tuurtay badda oo xabsi la dhigay

Image
Ilaa hadda ma cadda dambiga lagu soo oogi doono haweenaydaasi - haddii ayba jiraan.

NAIROBI, Kenya - Booliska waddanka Kenya ayaa waxa ay xabsi u taxaabeen haweeney lagu eedeeyay inay cunugeeda oo siddeed bilood jir ah ku tuurtay badweynta Hindiya maalinkii Axada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in haweeneyda la wariyay in ay canuga yar ku tuurtay badweynta kadib markii ay kasoo raacday dooni yar xilli ay kusoo xiratay magaalo xeebeedka Mombasa.

Muuqaal laga soo duubay kooxo badbaadinaya cunuga yar ayaa ku baahay baraha bulshada, taasoo keentay in dad badan oo Kenyan ah ay caroodeen haweeneydaasi oo ay ka naxeen badbaadada ilmaha yar.

"[Iyada] waxaa loola cararay gargaarka degdegga ah ee Xarunta Laanqeyrta Cas, waxaana lagu daweeyay lagana saaray xaalad cadaalad ah, hooyadeedna waxaa loo qaaday saldhigga booliiska si su'aalo loo weydiiyo," ayuu wariyay K24 Tv oo si gaar ah loo leeyahay.

Hay'adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa mar sii horreysay waxa ay daaha ka rogtay in cunuga yar uu ku jiro xarunteeda badbaadinta. Ilaa hadda ma cadda dambiga lagu soo oogi doono haweenaydaasi haddii ay jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM

Dagaalka Moyale oo sii xoogeysanaya, kumannaan qofna u qaxey dalka Kenya

Si kastaba, saraakiisha gargaarku waxay ka digayaan in sahayda jirta aysan dabooli karin baahida sii kordheysa.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:47AM