Kenya iyo Cuba oo ka shiray xaalka dhakhaatiir ay afduubatay Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Wasiiradda arrimaha dibadda Cuba iyo Kenya ayaa yeeshay wadahadalo dhanka telefoonka ah kaasoo ay arrin-sadeen xaalada dhakhaatiir ay 16-bilood kahor afduubatay maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Wadax-xaajoodyadda dhanka isgaarsiinta ee Bruno Rodríguez iyo Raychelle Awour Omamo oo dhacay Jimcadii ayaan laga bixin tafaasiil dheeriya marka laga reebo in ay iska xog-wareysteen meesha ay wax marayaan.

Rodríguez, wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Havana oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa wuxuu yiri "Waxaan kaloo is-dhaafsanay aragtiyo ku saabsan wadahadaladeena laba geesoodka ah".

Ma jiro wax war ah oo illaa haatan kasoo baxay dhanka Omamo oo dowladeeda ay horey u sheegtay in ay dedaal badan u bixineyso sidii ay qaab nabad-gelyo ah ugu soo badbaadin lahayd howlwadeenadaas caafimaad.

Bishii April 12-keeda sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii dhakhaatiirta oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodríguez ay wateen dabley loo maleynayo Al-Shabaab xilli ay kusii jeedeen Isbitaalka Gaarisa.

Warbixino sirdoon ayaa daaha ka rogay in Herrera iyo Rodríguez lagu hayo qaybo kamid ah koonfurta Soomaaliya, hase ahaatee, ma jiro cid si rasmiya u soo bandhigi karta aaga. Al-Shabaabna ma shaacin damaceeda.

Hase ahaatee, odayaal dhaqameedyo ay dowladda Kenya ugu dirtay waan-waan ayaa ka dhawaajiyey in lagu hayo degaano xuduudka ku teedsan, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacidana doonayaan madax furasho.

Xukuumadda Nairobi oo meesha ka saartey in ay lacag ku bixin doonto badbaada dhakhaatiirta ayaa ku goodisay in ay qaadeyso talaabo ciidan. Saxaafada maxaliga waxay warisay in mukhaabaraadka Kenya uruurinayo xogo.

Assel Herrera iyo Landy Rodríguez ayaa Kenya ku tegay heshiis ay kala saxiixdeen labada dowladood kaasoo ahaa in dhakhaatiirta Cuba ay adeegyo caafimaad ka fuliyaan tuulooyinka, balse waxaa carqaladeeyay afduubkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM