Kenya: Nuuradiin Yuusuf Xaaji oo sameeyay qiraal la yaab leh

Image
Waxyaabaha uu Nuuradiin sheegay waxaa ka mid ah in loola dhaqmay sidii qof aanan muwaadhin ahayn oo kale.

NAIROBI, Kneya - Nuuradiin ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Standard caddadkiisii maanta soo baxay ku sheegay in lagu qasbay in uu dacwado been abuur ah kusoo oogo rag siyaasiyiin ah oo uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka hadda xilka haya Rigathia Gashagua.

Nuuradiin ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay agaasimihii hore ee laanta dambi baarista Mr Kinoti oo shaqada ka fariistay markii Ruto xilka loo doortay, shaqadaas oo hadda loo dhiibay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Mudane Maxamed Amiin.

Dacwad Oogaha oo hadda wajahaya baaqyo kala duwan oo ah in uu xilka iska casilo ayaa sheegay in uu ka gaashaantay cadaadiskii lagu hayay oo dhan, haddana uu dhammaan ka noqonayo dacwadihii been abuurka ahaa ee lagu haystay madaxweyne ku xigeenka iyo siyaasiyiin kale oo hadda soo galay Golaha wasiiradda Ruto.

Ka hor fadeexaddan, Nuuradiin ayaa ahaa shaqsi aad loo jecelyahay, loona arkay nin caddaalada u hiiliya, islamarkaasna dacwad ku oogay siyaasiyiin laga cabsan jirey.

Waxyaabaha uu Nuuradiin sheegay waxaa ka mid ah in loola dhaqmay sidii qof aanan muwaadhin ahayn oo kale , qolyaha dambi baaristana ay soo dhoodhoobeen kiisas been abuur ah, kuwaas oo badankood uu ka gaadhaantay sida uu sheegay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM