Kenya oo bedeshay mowqifkeeda xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Monica Juma ayaa shaaca ka qaadey shalay oo Arbaco ahayd in dalkeeda uu diyaar u yahay wadaxaajoodyo inay Soomaaaliya kala gasho muranka Badda.

Kenya ayaa bedeshay mowqifkeedii hore kadib markii Monica Juma ay kulan gaar ah la qaadatey safiiradda dalalka Xubnaha ka Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey kaasi oo looga hadlay xiisadda Nairobi iyo Muqdisho.

Iyadoo la hadlaysay Idaacad ku taalla Nairobi, Wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in jawaabo wanaagsan ay ka heshay dalalka ay la wadaagtay kiiska muranka badda Soomaaliya.

"Fariinta aan ka helnay caalamka waa mid nalagu dhiirageliyay in khilaafka nagala dhaxeeya Soomaaliya aan ku xalino qaab wadahadal iyo is-faham ah, taasina ay Kenya soo dhawaysay," ayay tiri Monica Juma.

Waxay sheegtay in Kenya ay ka go'antahay in xal wadahadal ku yimaada ku dhameyso muranka taagan ee kala dhaxeeya Soomaaliya, oo ah dal deris ay yihiin oo waxyaabo badan kala dhaxeeya.

Monica ayaa warbixin ka siisay kiiskan safiiradda dalalka ku jira Gollaha Amaanka ee QM iyo Guddiga amniga iyo Nabad-geylada ee Ururka Midowga Africa oo ay ku kulmeen Nairobi February 22.

Waxay intaasi ku dartay inay mas'uuliyiinta iyo diblomaasiyiinta u gudbisay xog iyo macluumaad ku aadan arrimaha muranka badda si ay dareen ugu yeeshaan, islamarkaana xaaladda taagan ula socdaan.

Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa xumaaday kadib markii Xukuumadda Nairobi u yeeratay safiirkeeda, si ay ugala tashato xaaladda taagan, iyadoo sidoo kale safiirka Soomaaliya usoo dirtay Muqdisho.

Labada dal ayaa isku haya xuduud-badeed, iyadoo dacwad ka taallo Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda taasi oo dowladda Federaalka Soomaaliya geystay 2014.

Kenya ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya in Shir ka dhacay 7-dii bishan London ay ku iibisay bloc-yo shidaal oo ku jira badda lagu muransan yahay, taasina ay xad-gudub ku tahay madax-banaanideeda.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa beenisay eedeynta Kenya, waxayna sheegtay inaysan jirin shidaal ay leedahay oo lagu xaraashay Shirkii London.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM