Kenya oo bedeshay mowqifkeeda xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Monica Juma ayaa shaaca ka qaadey shalay oo Arbaco ahayd in dalkeeda uu diyaar u yahay wadaxaajoodyo inay Soomaaaliya kala gasho muranka Badda.

Kenya ayaa bedeshay mowqifkeedii hore kadib markii Monica Juma ay kulan gaar ah la qaadatey safiiradda dalalka Xubnaha ka Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey kaasi oo looga hadlay xiisadda Nairobi iyo Muqdisho.

Iyadoo la hadlaysay Idaacad ku taalla Nairobi, Wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in jawaabo wanaagsan ay ka heshay dalalka ay la wadaagtay kiiska muranka badda Soomaaliya.

"Fariinta aan ka helnay caalamka waa mid nalagu dhiirageliyay in khilaafka nagala dhaxeeya Soomaaliya aan ku xalino qaab wadahadal iyo is-faham ah, taasina ay Kenya soo dhawaysay," ayay tiri Monica Juma.

Waxay sheegtay in Kenya ay ka go'antahay in xal wadahadal ku yimaada ku dhameyso muranka taagan ee kala dhaxeeya Soomaaliya, oo ah dal deris ay yihiin oo waxyaabo badan kala dhaxeeya.

Monica ayaa warbixin ka siisay kiiskan safiiradda dalalka ku jira Gollaha Amaanka ee QM iyo Guddiga amniga iyo Nabad-geylada ee Ururka Midowga Africa oo ay ku kulmeen Nairobi February 22.

Waxay intaasi ku dartay inay mas'uuliyiinta iyo diblomaasiyiinta u gudbisay xog iyo macluumaad ku aadan arrimaha muranka badda si ay dareen ugu yeeshaan, islamarkaana xaaladda taagan ula socdaan.

Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa xumaaday kadib markii Xukuumadda Nairobi u yeeratay safiirkeeda, si ay ugala tashato xaaladda taagan, iyadoo sidoo kale safiirka Soomaaliya usoo dirtay Muqdisho.

Labada dal ayaa isku haya xuduud-badeed, iyadoo dacwad ka taallo Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda taasi oo dowladda Federaalka Soomaaliya geystay 2014.

Kenya ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya in Shir ka dhacay 7-dii bishan London ay ku iibisay bloc-yo shidaal oo ku jira badda lagu muransan yahay, taasina ay xad-gudub ku tahay madax-banaanideeda.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa beenisay eedeynta Kenya, waxayna sheegtay inaysan jirin shidaal ay leedahay oo lagu xaraashay Shirkii London.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM