Kenya oo dalbatay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda

Image

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa waxay si rasmi ah u codsatay in Maxkamadda Cadaalada Aduunka ay dib u dhigto dhageysiga dacwadda badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya, sida ay sheegeyso warbaahinta maxaliga ah.

Talaabadan ayaa waxay kusoo aadeysa iyadda oo xeer-beegtada hoostagta ICJ ay isu diyaarineyso in ay bilowday dhageysiga doodadaha labadda dhinac ah 9-ka bishan September ee sanadkan 2019.

Jaraa'idka afka dheer ee Daily Nation ayaa sababta ay xukuumadda Nairobi u dooneyso in laga bedelo waqtigaasi wuxuu ku sheegay si ay Kenya ugu qoroto kooxdeeda difaaca.

Dalabkan oo in uu imaanayo maalmihii dambe aad loo hadal-hayey ayaa waxa gedaal ka riixayey sharci yaqaano reer Kenya ah, kuwaasi oo xitaa kula taliyey dowladooda in ay ka baxdo dacwadda.

Gal-dacwadeedkan oo soo bilowday bishii August ee 2014-kii markii ay xukuumada Muqdisho gudbisay ayaa ku saleysa goob xuduud badeeda labada dal ku taala oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka sida Gaaska iyo Shidaalka.

Kenya oo tan iyo waqtigaasi ku naawilisay in meel ka baxsan maxkamad lagu dhameeyo qadiyadan ayaa ku hungowday, waxayna kordhisay cadaadiska ay saareyso Soomaaliya si ay u gaarto hadafkeeda.

Lama yaqaano waxa uu noqon doono mowqifka ay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee fadhigeedu yahay Holland ay ka qaadan doonto soo jeedinta dalkan dhaca Geeska Afrika.

Kiiskan oo xiisad diblumaasiyadeed ka dhex-qarxiyey labada dal ee deriska ah kuwaasi oo dagaal kula jira AlShabaab ayaa haatan maraya heer gabagabo ah, waxaana hadii uu qabsoomo dhageysigan kadib soo baxaya xukunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM

Mareykanka oo qorsheynaya inuu ka qaado cunaqabataynta dalka Eritrea xilli ay taagan tahay xiisadda Badda Cas

Sannadkii 2021-kii, maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa cunaqabatayn baahsan saaray xisbiga talada haya ee Eritrea.

  • Afrika

    06-05-2026

  • 12:25PM