Kenya oo dib-u-howlgelisay safaaradeeda Muqdisho

Image

NAIROBI, Kenya - Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa maanta gaarey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya todobaad un kadib markii labada dal ay ku heshiiyeen soo celinta xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Tumbo iyo shaqaale kale oo diblomaasiyiin ah ayaa markii ugu horreysay ku soo laabtay dalka ka dib toddobo bilood oo ay hawlo diblomaasiyadeed u joogeen

Tumbo ayaa laga saaray Soomaaliya bishii Nofeembar ee la soo dhaafay ka dib markii Soomaaliya ay ku eedeysay deriskeeda inay faragelin ku hayso howlaha doorashada ee Jubbaland, oo ka mid ah shanta dowlad-goboleed ee Soomaaliya ka jira.

Kenya waxay diiday sheegashooyinkaas, iyadda oo koox uu sameeyay Urur Goboleedka IGAD (Igad) si ay u baaraan sheegashooyinka ay soo saareen xukun ‘dambi la'aan ah’, wallow Soomaaliya diiday.

Dhowaan, Kenya waxay dib u fasaxday hawadeeda duulimaadyada ka imanaya Soomaaliya markii la hakiyay. Kenya ayaa hakisay duulimaadyadii ka imaan jiray Soomaaliya muddo bil ku dhow iyadoo xiriirka labada dal uu noqday mid aad u qabow.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa hadda ku socda wadadii ay dib ugu soo celin lahaayeen xiriirkooda go’an.

Soomaaliya ayaa ku boorrisay Kenya inay dib u furto safaaraddeedii Muqdisho, iyadoo u xaqiijisay inay ka shaqeyn doonto dib u furista safaaraddeeda Nairobi taasoo ku xirantay is-mari-waaga diblumaasiyadeed ee soo kala dhex-galay dalalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM