Kenya oo digniin kasoo saartay doorashada Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya oo markii waxay ugu horeysay si furan uga hadashay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya ayaa ka digtay in ay saameyn ku yeelato xasiloonida gobolka Geeska qaaradda Afrika.

Xukuumadda Nairobi ayaa ugu baaqdey dhamaan deeq-bixiyeyaasha iyo wakiiladda Beesha Caalamka in ay xaqiijiyaan in qaabka loo xalinayo is-faham-waaga ay kawada qeyb-qaataan saamileyda.

Kenya ayaa mowqifkeeda waxay ku caddeysay qoraal ay u gudbisay Shirka Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika kaas oo qabsoomay todobaadkan loogana hadlay xaaladihii ugu dambeeyay.

"Kenya waxay ugu baaqday Golaha Nabadda iyo Amniga [Afrika] inay diiradda saaraan dadaallada muhiimka ah ee ay tahay in la qaado si loo hubiyo in is-afgarad taariikhi ah oo dhexmara hay'adaha gudaha, kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhammaan hay'adaha la xiriira, waana in la hubiyaa lana damaanad-qaadaa," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo golaha lala wadaagay.

Khilaafka doorashooyinka Soomaaliya ayaa waxaa xudun u ah saddex qodob oo kala ah; guddiyadda maamulaya doorashada, xulista wakiilada Somaliland iyo ciidanka dowlada geysay gobolka Gedo.

Nairobi waxaa saameynaya qodobka gobolka Gedo oo xuduud la leh halkaas oo ay laba jeer ku dagaalameen ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya ku daabushay halkaas iyo kuwa Kenya.

Is-mari-waaga ayaa cirka isku sii shareeray kadib markii muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhamaadey 8-dii Febraayo iyadda oo uusan jirin heshiis looga gudbayo mar-xaladan.

Dowladda Puntland iyo Midowga Musharaxiinta ayaa ku dhawaaqay in aysan aqoonsaneyn Farmaajo. Beesha Caalamka iyo Golaha Ammaanka waxay soo jeediyeen shir deg-deg ah oo lagu xalinayo khilaafkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM