Kenya oo doon-dooneysa xubno "halis ah" kana tirsan Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Booliska Kenya ayaa soo bandhigay magacyadda iyo sawiradda saddex shaqsi oo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Kyalo Masai, Juma Waziri iyo Salim Mohamed Ahmed ayay laamaha ammaanka shaaciyeen in ay yihiin dagaalameyaal "halis badan leh".

Sidda laga soo xigtay bayaanka, Bileyska ayaa waydiisatay shacabka in ay lasoo wadaagaan macluumaad kasta oo la xiriirta xubnahaan.

Wargeyska Daily Nation ayaa ku waramay in saddexdooda "lagu xagjireeyay" magaaladda Mombasa iyo ismaamulka Kwale.

Warbixinta Booliska ayaa "xagjiriintooda" la xiriiryey Aboud Rogo iyo Abubakar Sharif, wadaado Muslim ah "oo kamid ahaa" Al-Shabaab.

Sirdoonka Kenya ayaa rumeysan in Rogo uu 2012-kii ku khaarijiyey duqeyn, halka Axmed uu ku jira liiska dadka la ugaarsanayo.

"Eedeysaneyaasha la tuhunsan yahay iyo kuwa kale oo Soomaaliya aadey waa kuwa khataar ah, waana baxsad," ayay tiri warbixinta bileyska.

Laamaha ammaanka Kenya ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay heegan ku jira, sababtoo ah digniino ku aadan weeraro argagixiso oo laga digay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM