Kenya oo farta ku fiiqday dalalka "hurinaya" xiisada Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Qaar kamid ah warbaahinta maxaliga ah ee dalka Kenya ayaa daabacay warbixino ay kusoo bandhigayaan in dowladooda ay ku eedeysay "dano shisheeye" in ay hurinayaan xiisada kala dhaxeysa Soomaaliya.

Wargeyska Daily Nation oo soo xigtay sarkaal sare oo xukuumada Nairobi ka tirsan ayaa shaaciyey in dalalka Ingiriiska iyo Norway ay holac kusii shidayaa is-qabqabsiga diblumaasiyadeed ee labada ee dariska ah.

Jaraa’dka ayaa wuxuu intaasi ku daray in maamulka Uhuru Kenyatta uu qorsheyneyso ashtako ka dhan ah labadaasi dowladood oo uu u gudbiyey Qaramadda Midoobey si wax looga qabto "farogelintooda".

Tani ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadda oo horaantii bishaan June Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway ay socdaal ku timid Muqdisho ayna la kulantay madax uu kamid yahay ra'iisul wasaare Khayre.

Illo xog ogaal ah ayaa u dusiyey saxaafadda in arrimaha laga wadahadal ay ku jiraan xiisada Soomaaliya iyo Kenya iyo go’aanka muranka xuduud badeedka ee dhowaan kasoo baxaya ee Maxkamadda Cadaaladda Aduunka

Britain iyo Norway ayaa kamid ah dowladaha laga leeyahay shirkadaha sahminta shidaal ka sameeyay goobta ay labada waddan ku muransan yihiin halkaasoo hodan ku ah noocyada shidaalka iyo Gaaska.

Meesha doodu ka taagan tahay ayaa waxaa badeeda lagu sheegaa ee kun mitir, isla markaana ay ku jiraan dhowr xirmo oo shidaal ah.

Sanadkii 2014-kii ayay Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Dunida dacwada ku saabsan sheegashada Kenya ee goobtaasi.

Geesta kale, afhayeenka dowladda Kenya, oo qiray in ay burbureen dedaalo wada xaajood oo ay xukuumadiisa waday ayaa daboolka ka qaadey in ay wadaan qorsheyaal kale oo ay wada hadal ku raadinayaan.

"Wada xaajood waa dhabka ugu wanaagsan ee lagu xalin karo muran ka dhaxeeya labada dal. Taasi waa xadka aan raadineyno," ayuu Korneyl Cyrus Oguna u sheegay Joornaalka Sunday Nation.

Ma uuan sheegin waxa uu noqonayo isku dayga ay dowladiisu qaadeyso wallow bilooyinkii lasoo dhaafey ay ku dhaqaaqday Kenya talaabooyin lagu sheegay in ay ku cadaadineyso dalka leh xeebta ugu dheer dunida.

Falalkaasi waxaa kamid ahaa; joojinta duulimaadka Muqdisho-Nairobi, soo musaafurinta mas'uuliyiin Soomaaliyeed iyo xiritaanka sohdinta ay wadaagan labada. Dhamaan waxay sabab uga dhigtay amni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM