Kenya oo gubtay kalluun ku fadhiya $46,765 oo kaga yimid Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa gubtay kalluun qalalan oo laga soo dhoofiyey Soomaaliya kaasoo qiimahiisa lagu sheegay $46,765, sidda uu Talaadada maanta ah daabacay wargeyska afka dheer ee Daily Nation.

Kaluunka qalalan oo ku jiray 761 xabo oo boorso ah isla markaana culeyskiisu dhamaa 12 tan ayay ciidamadu ku qabteen Mokowe Jetty waxyar markii laga keenay Muqdisho iyo Kismaayo, iyaddoo lasoo marsiiyey xadka Lamu.

Wararka ayaa intaas ku daraya in lasoo marsiiyey magaala xeebeedka Mombasa, halkaas oo laamaha ammaanka uu kusoo dhaafay.

Shixnada ayaa dab lagu qabad-siiyey Hindi Grounds, iyaddoo ay goobjoog ka ahaayeen taliyaha bileyska Lamu, Irungu Macharia, iyo saraakiil kale.

Mas'uuliyiinta kale ee goobjoog ahaa ayaa ka kala socday; Hay'adda Socdaalka, Maamulka Badaha iyo Dekadaha ee wadanka Kenya.

Mr Macharia ayaa cod dheer uga digay ganacsatada sidda dhuumaaleysiga ugu talaabaya Soomaaliya si ay baayac-mushtar sharci darro ah u sameeyan.

"Xadka Soomaaliya iyo Kenya haatan wuu xiran yahay kama jiro wax dhaqdhaqaaq ah. Go'aan waxaa lagu gaarey in la gebi ahaanba la burbruiyo wixii sharci darro ah ee kasoo gudba," ayuu wariyeyaasha u sheegay taliyaha.

Kalluumeysatadda degaanada Kiunga iyo Ishakani ayuu sidoo kale uga digay in ay jilaabasho aan sharci ahayn kasoo sameeyaan xeebaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, cid kasta oo aan u hogaan-samin go'aanada kasoo baxa dhankooda ayuu caddeeyay in ay dacwad kusoo oogi doonan isla markaana ay xabsi u taxaabi doonan "si loo marsiiyo mudankeeda falka ay ku kacay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM