Kenya oo guulo ka sheegatay guluf ka dhan ah Al-Shabaab

Image
Ciidamadda howlgalada gaarka ah ee Kenya ayaa iska-hor-imaad la galay dabley ka tirsan Al-Shabaab.

NAIROBI, Kenya – Nin hubeysan oo la rumeysan yahay inuu ka tirsan yahay Al Shabaab ayaa lagu toogtay iska hor-imaad isaga iyo booliiska ku dhexmaray Kutulo, oo ka tirsan degmada Mandheera, waxaana laga soo furtay shan qori.

Dhacdadan ayaa lasoo wariyey galabnimadii Khamiista markii koox saraakiil ah oo ka tirsan kooxda hawlgalka gaarka ah ay dabley ku dagaalameen aagga Kutaiyo.

Saraakiisha Boolisku waxay sheegeen in xubno ka tirsan ciidamadda ay gaafwareegayaan aagga markii ay qabteen afar dabley ah oo watay mooto.

Taliyaha bilayska gobolka waqooyi–bari, Rono Bunei, ayaa sheegay in saraakiishu ay xoojiyeen roondooyinka gobolka si wax looga qabto weerarada goos -gooska ah ee uga imaanaya Al -Shabaab iyo taageerayaashooda.

Wuxuu ku boorriyay iskaashi ka yimaada dadka deegaanka dadaallada wax looga qabanayo amni-darrada, oo ay ka mid yihiin kuwa kale oo saameeyay gaadiidka, waxbarashada iyo horumarka guud.

“Waa inaan ka wada shaqeynaa sidii aan u hubin lahayn inaan xakameynno howlahaan carqaladaynaya horumarka. Waa waajib qof walba saaran inuu xaqiijiyo inuu jiro amni, ”ayuu yiri Bunei.

Aagga ayaa wajahayay caqabado amni bilihii la soo dhaafay sababo la xiriira weerarro ay geysteen dagaalyahanno ka tirsan Al -Shabaab oo ka soo tallaaba xadka Soomaaliya.

Tobanaan qof ayaa dhimatay, dhaawacyo fara badan iyo hanti burburtay ayaana ka dhashay weerarada soo noqnoqday.

Deegaanadaasi oo ay ka mid yihiin Mandheera, Wajeer, Garissa iyo Lamu ayaa u dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, taasi oo u sahlaysa inay dableyda weeraraan sida ay doonaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM