Kenya oo hanjabaad kasoo saartey dacwadda badda

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa ashtako ka dhan ah dacwadda badda waxay u gudbineysaa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, sidda uu wariyey wargeyska The Standard oo soo xigtay garsoore magaciisa ka gaabsaday.

Garsooraha oo sheegay in Nairobi ay qorshahaas diyaarisay kahor inta aysan bilaaban dhageysiga ugu dambeeya ee gal-dacwadeedka ayaa shaaca ka dhigay in ay Golaha Ammaanka ka dalbadan doonan faragelinta kiiskan xasaasiga ah.

"Si loo helo go’aan daahfuran oo dhexdhexaad ah, dowladda Kenya waxay go’aansatay in ay kiiska horgeyso Golaha Ammaanka oo ay xubin ka tahay. ICJ waxay lumisay kalsoonida shacabka Kenya," ayuu raaciyey garsoorahaas.


Dhawaqan ayaa kusoo hagaagaya xilli Kenya ay ka baaqsatay ka qeybgalka dhageysiga kiiskan oo Isniintii shalay ka bilowday magaaladda The Hague.

Nairobi ayaa go’aankaas waxay u cuskatay in dhaqaalaheeda uu saameeyay Coronavirus, in qareenadeeda aysan helin waqti ay isku diyaariyaan iyo in la siiyo 30-daqiiqo kahor inta aysan Soomaaliya ka hadlin furitaanka dhageysiga.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa ku gacanseyrtay dhamaan qodobadaas, waxaana ay sheegtay in ay horey u sii waddeyso dhageysiga.

Soomaaliya oo qareenadeeda ay shalay ka hadleen fadhiga furitaanka ayaa rajeyneysa in go’aanka kulankan kadib soo bixi doona uu noqon doono "mid u jaranjeera dhankeeda isla markaana ka farxin doona dadka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM