Kenya oo ka hadashay hadii kursiga UN-ka u adeegsaneyso kiiska badda

Image

NAIROBI, Kenya – Kenya ayaa ka jawaabtay wararka ku aadan in kursiga ay ku guuleystay ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ay u adeegsaneyso dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya.

Aadan Barre Ducaale, hogaamiyaha Aqlabiyadda baarlamaanka Kenya oo u waramay sheegay BBC-da ayaa meesha ka saarey sheegashooyinkaas, isagoo xusay "in Kenya iyo Soomaaliya ay walaalo yihiin".

Sidda laga soo xigtay Ducaale, labada dal ee deriska ah waxay ogol-yihiin in kiiska badda ay go'aan kasoo saarto Maxkamadda ICJ.

"Waxaan u maleynayaa in Soomaaliya ay kamid ahayd dalalkii noo codeeyay markii aan [musharraxa] ka ahayn Midowga Afrika…. Arinta badda waxay hor taallaa maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Soomaaliya waxay ogoshahay maxkamadda waxay go'aamiso, anagana sidoo kale. Dalal walaalo ah ayaan nahay, mana kala go'ayno," ayuu yiri Adan Barre.

Kiika badda ee u dhaxeeya labadda dal oo taagan tan iyo bishii August ee 2014-kii kuna saabsan aag hodan ku ah kheyraad oo xadka badda ku yaala ayaa madmadow geliyey xiriirka Muqdisho iyo Nairobi.

Kenya ayaa kursiga Golaha Ammaanka kaga guuleystay Jabuuti ka gedaal markii sidda u kala horeeyaan u kala Heleen 129 iyo 62.

Muddo xileedka Kenya ee xubinnimadda Golaha Ammaanka waa laba sano, waxaana ay kamid noqoneysaa 15 xubnood oo golahaas oo ka doodaa ammaanka iyo xasilloonida caalamka.

Go'aannada ay Kenya ku lug lahaan karto waxaa kamid ah cunaqabateynta, adeegsiga awood milateri si loo ilaaliyo nabadda iyo weliba doorashada xaakimiinta maxkamadda cadaallada adduunka [ICJ].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM