Kenya oo ka jawaabtay dacwadii ay gudbisay Dowladda Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Kadib markii ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u gudbisay Qaramada Midoobay dacwad ka dhan ah Kenya, waxaa arrintaasi markii koowaad si furan uga hadashay xukuumadda Nairobi.

Ashtakadda oo loo gudbiyey Hay’adda Duulista Rayidka Aduunka ee ICAO ayaa ku eedeysay Kenya in ay ku xadgudubtay hawada Soomaaliya maadaama diyaarad dalkaas ka diiwaan gishan ay tagtay Kismaayo.

Diyaaradda oo 5-tii October ka degtay xarunta ku meel gaarka Jubbaland ayaa waxaa la socday siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka qeybgalaya caleema saarka madaxweyne Maxamed Maxamed Islaam.

Sidda ay wararku sheegayaan diyaaradda oo kawada diiwaan gishan labadda dal ayaa waxaa wada leh siyaasiyiin iyo ganacsato Soomaaliya, kuwaas oo ay iskaashi uu kala dhaxeeyo kuwa Kenyan ah.

Villa Soomaaliya ayaa diyaaradaha tegaya kana soo baxaya Kismaayo ku amartay in ay soo maraan garoonka Muqdisho si loogu sameeyo hubin, balse go’aankaas waxaa lagu sifeeyay "mid siyaasadeysan".

Mas'uuliyiin la khariyey magaciisa ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay in xukuumadda Nairobi ay u aragto dacwadda laga gudbiyey "mid aanan waxbo soo kordhineyn" iyaga oo dhaliilay Muqdisho.

"Soomaaliya iyadda ayaa ka gaabisay siyaasadeeda ku wajahan mas'uuliyadda dhaqdhaqaaqa diyaaradaha rayidka; waxayna eedeyneysaa Kenya, taas sax ma ahan," ayay sheegeen mas'uuliyiinta.

Nairobi iyo Muqdisho ayaa waxaa haatan ka dhex-aloolsan xiisad diblumaasiyadeed oo ka dhalatay dacwad hortaala Maxkamadda ICJ kuna saabsan xuduud badeed hodan ku ah Shidaal iyo Gaas.

Hogaamiyeyaasha labadda dal ayaa bishii September isku raacay qaboojinta xurgufta kadib markii ay ku kulmeen Nairobi. Farmaajo iyo Kenyatta waxay sameeyeen guddi arrintaasi fududeyn doono.

Xayiradda socdaalka Kismaayo ayaa haatan waxay u muuqataa mid dab kusii shideysa xiisadda, isla markaana meesha ka saarey suurtogalnimada isu soo dhowaanshiyo rajo wanaagsan laga qabay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo qorsheynaya inuu ka qaado cunaqabataynta dalka Eritrea xilli ay taagan tahay xiisadda Badda Cas

Sannadkii 2021-kii, maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa cunaqabatayn baahsan saaray xisbiga talada haya ee Eritrea.

  • Afrika

    06-05-2026

  • 12:25PM

Muhaajiriinta Afrikaanka ah ee ku nool South Africa oo wajahaya cabsi iyo weerarro ajnabi-nacayb ah

Dawladda Nayjeeriya ayaa durba bilowday qorshe ay dib ugu celinayso muwaadiniinteeda doonaya inay dalka ka baxaan.

  • Afrika

    06-05-2026

  • 12:13PM