Kenya oo ka jawaabtay wararka Iran la xiriirinaya weerarkii Manda Bay

Image

NAIROBI, Kenya – Kenya ayaa ka falcelisey warbixinadda dowlada Iran la xiriirinaya weerarkii Al-Shabaab ku qaaday saldhiga Manda Bay oo ku yaala gobolka Lamu ee dhow xadka Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay wakaaladda wararka Associated Press, milatariga Kenya ayaa aaminsan in Tehran "aysan lug ku lahayn" falkaas.

Tuhunka Iiran ayaa yimid maadaama ay ku hanjabtay in ay ka aargoosan doonto Mareykanka kadib dilkii Qaasim Suleymaani.

Suleymaani, oo khaarijintiisa uu amray madaxweyne Donlad Trump, ayaa ahaa taliyihii ciidamadda Quds ee ilaaladda kacaanka Iiraan.

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay milatariga Mareykanka ayaa ka jawaabay su'aal ku saabsan in Iran ay uga shakisan yihiin weerarkii Axada.

"Al-Shabaab, oo gacansaar la leh Al-Qaacida, waxay leedahay ajande gaar ah, waxayna leedahay go'aan cad oo ay ku weerareyso danaha Mareykanka," ayuu yiri.

Al-Shabaab oo bayaan dheer soo saartay ayaa tilmaamtay in weerarkii aroornimadii Axada, 5-ta Janaayo, 2020, uu qayb ka tahay olole ay ugu magac-dartay "Jerusalem lama yahuudeyn doono".

Bishii Janaayo, 2019, Al-Shabaab ayaa sheegtay in is-miidaamintii huteelka DusitD2 ee ku yaala Nairobi uu qayb ka ahaa ololahaas oo yimid markii Trump Quddus u aqoonsaday caasimadda Israel.

Duulaankii xerada Manda Bay oo lagu gubay todoba diyaaradood ayaa noqonaya falkii labaad oo liddi ku ah amniga oo Al-Shabaab ka fuliso Kenya tan iyo markii uu bilowday sanadkan 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM