Kenya oo ka warbixisay howlgal ay fulisay kadib weerarkii baska

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa ka warbixisay howlgal ay ciidankeeda fuliyeen kadib weerarkii baska ee ismaamul goboleedka Lamu.

John Elungata, isu-duwaha howlgaladda degaanada xeebaha, ayaa shaaciyey in gulufka ay ku khaarijiyeen afar looga shakisan yahay Al-Shabaab.

Isagoo war-fidiyeenka la hadlaya, Elungata ayaa tilmaamay in sidoo kale ay nolosha ku qabteen dagaalame kale oo la tuhunsan yahay.

Sidda laga soo xigtay bileyska, weerarka baska oo dhacay subaxnimadii Khamiista maanta ah, waxaa lagu toogtay saddex qof oo rakaabka ku jiray.

Lama ogga hadii tiradda ay xukuumadda Nairobi shaacisay in ay dishay ay ahaayeen dableydii beegsatay baska Mombasa Raha.

Baska oo kasoo baxay magaala xeebeedka Mombasa ayaa kusii jeeday degaanka Lamu, oo ku dhow sohdinta Soomaaliya iyo Kenya.

Wargeyska The Star ayaa ku waramay in darawalka baska uu diidey in uu gaariga u joojiyo maleeyshiyadka, taasna ay ku qasabatay in ay rasaaseeyaan.

Bishii December, sanadkii 2019, weerar noocaan ah oo ka dhacay gobolka Wajeer ayaa lagu dilay 11 qof - sideed sarkaal boolis ah iyo saddex kale oo shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM