Kenya oo qorsheyneysa in ay dib u furto xuduudka Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa in ay dib u furto qayb kamid ah xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya gaar ahaan dhanka ismaamulka Lamu, sidda uu Sabtida maanta ah wariyey Daily Nation.

Talaabadan ayaa faa'iido badan waxay u noqon doontaa kalluumeysatadda oo jilaabasho iyo ganacsi ay u ahayd furnaanshiyaha.

Bishii June ee sanadkii hore ayay ahayd markii la xiray sohdinta sabab la xiriirta cabsi laga qabay in ay kasoo gudbaan xubno Al-Shabaab ah, ka ganacsiga dhoofinta dadweynaha iyo badeecadaha dhacay.

Irungu Macharia, gudoomiyaha ismaamulka Lamu, ayaa sheegay in qorshaha furitaanka uu socdo, balse wuxuu caddeeyay in uu sii xirnaan doono illaa iyo go'aanka ugu dambeeya uu kasoo baxo dowlada dhexe.

Cabasho kaga timid dadweynaha gaar ahaan ganacsatadda Khaadka iyo Kalluumeysatadda ayuu tibaaxay in ay dib ugu furayaan.

"Waanu ka war qabnaa in dalxiiska iyo kalluunka oo kamid ah ilaha dhaqaalaha uu ka helo gobolka Lamu ay burbureen tan iyo markii uu dilaacay safmarka musiibadda ah ee Covid19," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Maamulka gobolka ayuu cod dheer ku sheegay in uu ka shiri doono go'aanka ugu dambeysta, wallow uusan muddeynin waqtiga saxda ah.

Sidda laga soo xigtay gudoomiyaha, aaga Kiunga wuxuu kamid ah yahay meelaha dib loo furi doono ee ku yaala xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Sikastaba ha ahaatee, go'aankaan ay Kenya dib ugu fureyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya oo aan la ogeyn hadii uu ku meelgaar yahay iyo in kale ayaa kusoo aadaya xilli xaaladaha Coronavirus ee dalalka sii kordhayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM