Kenya oo saraakiil dibada ugu dirtay qorshe ka dhan ah Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Kenya ayaa waddanka Mareykanka u dirsatay 42 sarkaal sirdoon, sidda ay baahisay saxaafadda maxaliga ah.

Saraakiishaan ayaa tababar 12-asbuuc socon doona waxay kusoo qaadan doonan Akadeemiyadda Hay'adda Sirdoonka Gudaha ee FBI.

Tababarka ay soo qaadan doonan ayaa ku saabsan xeeladaha mukhaabaraad ee la dagaalanka argagixisadda, sidda lagu sheegay qoraal.

"Kadib marka ay soo dhameystaan tababarka waxay kusoo laaban doonan Kenya," ayaa lagu yiri bayaanka oo warbaahinta loo diray.

Tani ayaa kusoo aadeysa iyaddoo todobaadkii hore ay Aqalka Cad ku kulmeen madaxweyne Donald Trump iyo dhigiisa Uhuru Kenyatta.

Talaabada ay Kenya saraakiisha ugu dirty Mareykanka ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo nooceeda oo kale ah.

Khatarta ugu badan ee ammaanka qaranka Kenya waxaa ku haya maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Bishii hore, Al-Shabaab oo ku duushay xerada Mareykanku leeyahay ee Manda Bay, gobolka Lamu ee dalka Kenya ayaa dishay Ameerikaan.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sidoo kale xaqiijiyey in lagu gubay laba diyaaradood, laba helicopter iyo gaadiid nooca dagaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM