Kenya oo shaacisay Magaca mid kamida ragii weeraray Dusit D2 Hote

Image

NAIROBI, Kenya - Booliska la dagaalanka argagaxisada ee Kenya ayaa durba bilaabay howlgal ay ku baadi-goobayaan fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Ragii qaaday weerarkii lagu beegsaday Hoteelka Dusit-ka 2aad ee caasimada Nairobi.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ayaa u sheegay wargeyska THE STAR in mid kamid ah dableyda duulaanka qaaday lagu magacaabo Faaruuq, uuna deganaa waaxda Guango oo ka tirsan xaafada Ruaka oo ku taala Galbeedka magaalada Nairobi.

Dadka degaanka ayaa kusoo waramaya in ciidanka oo yimid guriga uu ku noolaa Faaruuq ay kasoo xireen labo dumar ah, iyaga oo hoyga kasoo saarey waxyaabo qarxa oo uu lahaa shaqsiga la tuhmayo.

"Markii uu alaabtiisa isku habeystay, waa uu na salaamay kadib waa uu dhaqaajiyay," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka, kaasi oo hadalkiisa kusii daray inuu meesha deganaa tan iyo 21-kii Maarso ee sanadkii hore.

Faaruuq oo diinta Islaamka qaatay ayaa waxa uu lahaa hal Xaas, balse, ciidamada ma aysan kusii arkin goobta wax caruur ah, sidda laga soo xigtay Joornaalka oo sheegaya saaxiibadiisa ay ka war-qabeen falka uu sameeyay.

Madaxwayne Uhuru Kenyatta oo shaaciyay in la toogta dhamaan dableyda ayaa wacad ku maray in ka dabategi doonan cid kasta oo ka qayb-qaatay duulaankaan, oo uu xusay inaanu marnaba ilaabi doonin kuwii ka dambeeyay.

Kenyatta ayaa sheegay in 14 ruux lagu dilay Hoteelka, lagana soo badbaadiyay 700 kale, balse, kooxda Al-Shabaab waxay tilmaamtay inay khaarijisay 47 qof, taasi oo uu beeniyay Booliska.

Soomaaliya ayaa kamid ahayd dowladihii ugu horeeyay ee cambaareeyay weerarkaan, kaasi oo noqonaya midkii ugu cuslaa oo ay Shabaab ka geysato Nairobi 6-sano kadib weerarkii Westgate Mall ee 2013-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM