Kenya oo shaacisay murashaxa ay taageereyso doorashada Jubbaland

Image

NAIROBI, Kenya – Xili ay maalmo ka harsan tahay doorashadda Jubbaland, madaxtooyadda Kenya oo u muuqata in ay danaha dalkaasi ilaalineysa ayaa ku dhawaaqday murashaxeeda coddeynta maamulkaasi.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa kasoo xigatay sarkaal ka tirsan Aqalka waddankaasi looga arimiyo in maamulka Uhuru Kenyatta uu garab-taagan yahay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Mas’uulkan oo u waramay Jaraa'idka The Standard isaga oo qarinaya magaciisa ayaa shaaca ka qaaday in Kenyatta uu ku howlan yahay sidii uu mar kale kusoo laaban lahaa Axmed Madoobe oo murashax ah.

"Doorashadda waa mid muhiim noo ah. Maamulka madaxweyne Uhuru Kenyatta wuxuu ka shaqeynayaa sidii uu u soo noqon lahaa Axmed Madoobe, maadaama uu xulafo muhiim ah noo yahay," ayuu xusay mas'uulkan.

Axmed oo dib u doorasho doonaya ayaa xafiiska jooga tan iyo 2013-kii, inkasta oo lagu dhaliilo maamulkiisa inuu ka gaabiyey dagaalka Al-Shabaab iyo xorreynta degaanadda ay kooxda maamusho.

Xubnaha la loolamaya Axmed ayaa waxaa kamid ah; Cabdirashiid Xidig, Maxamed Salaad Oomaar, Cabdinaasir Seeraar Maax iyo tartameyaal kale kuwaasi oo aad uga soo horjeeday maamulka haatan jira.

Inkasta oo midkoodna uusan is-diiwaan gelin, haddana waxaa socota soo xulista Xildhibaanadda, iyadda waqtigii uu Guddiga qaban-qaabada u qabtay diiwaan-gelinta tartameyaasha ay soo idlaatay.

Kenya oo Axmed Madoobe kala shaqeysay qabsashada magaaladda Kismaayo sanadkii 2012-kii markaasi oo laga saarey Al-Shabaab ayaa xarunta Jubadda Hoose u aragta "aaga laga sugi karo amniga dalkaasi".

Kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida oo weeraro ka geysaneysa gudaha Kenya tan iyo markii xoogaga dalkaasi ay soo galeen gudaha Soomaaliya ayaa dishay boqolaal isugu jira rayid iyo saraakiil ciidan.

Doorashadda madaxtinimadda Jubbaland oo loo balansan yahay in ay qabsoonto 24-ka August ee sanadkan 2019 ayaa waxaa kasoo horeyn doonan tan gudoonka baarlamaanka, iyadda oo amnigana sarre loo qaadey.

Dhawaqa cusub ee kasoo yeeray Kenya ayaa wuxuu xoojinayaa loolanka iyadda oo Villa Soomaaliya la sheegayo in ay xusul-duub ugu jirto in tartanka uu kusoo baxo siyaasi daacad u ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM

Mareykanka oo qorsheynaya inuu ka qaado cunaqabataynta dalka Eritrea xilli ay taagan tahay xiisadda Badda Cas

Sannadkii 2021-kii, maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa cunaqabatayn baahsan saaray xisbiga talada haya ee Eritrea.

  • Afrika

    06-05-2026

  • 12:25PM