Kenya oo "soo furatay" dad ay u afduubatay Al-Shabaab

Image
Hal qof oo ah darawalka gaarigii ay saarnaayeen shaqsiyaadkan ayaa wali ku jira gacanta maleyshiyada.

NAIROBI, Kenya - Kenya oo kaashaneysa ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa qaaday howlgal lagu soo furtay saddex qof oo looga shakiyay inay ay qafaasheen maleyshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Saddexda qof ayaa ka mid ah afar qof oo la afduubtay kadib markii Al-Shabaab ay qafaasheen gaari ambalaas ah oo ay la socdeen oo marayay wado ku taala magaalada Lafey ee Mandheera.

Guddoomiyaha Mandheera, Onesmus Kyatha ayaa u sheegay Kenyans.co.ke: "Isku-dabarid kadib, waxaa lagu guuleystay soo celinta saddexda qof ee Kenyanka ah. Waxay u badan tahay inay maanta ama berri ku laaban doonaan dalkooda".

Qofka afaraad oo ah darawalkii ambalaasta ayaa wali ku jira gacanta maleeshiyada. Ciidamadda ammaanka ayaa lagu waramay in ay wadaan howlgalo ay ku goobayaan ruuxan.

Saddexda qof ayaa lagu kala magacaabaa Mowliid Cabdi (Bukaanka), qaraabadiis Aden Dai iyo kalkaaliye caafimaad oo isbitaalka Lafey ka tirsan Cabdirashiid Billow Xuseen.

Madaxa Adeegga Ambalaasta ee ismaamulka Mandera, Fatima Noor, ayaa shaaca ka qaaday in gaariga lagu weeraray tuulada Kurkura oo u dhow Ceelwaaq dhanka wadada Lafey.

Weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan ​​degmada Mandheera ayaa ah kuwo inta badan soo noqnoqdey waxaana ay aalaaba beegsadaan ciidamadda iyo dadka aan Muslimiinta ahayn.

Ugu yaraan toddobo qof ayaa la dilay Janaayo 2022, markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadday bas marayay meel u dhow magaalada Mandheera halkaasoo ay si lamid a ku dhaawacmeen 13 ruux oo ah rakaabka saarnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM