Muxuu ka dhigan yahay mooshinka la horgeeyay baarlamaanka Kenya?

Image

NAIROBI, Kenya – Isu waraf-lulashada dowladaha deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya taasi oo ay sababtay dacwadda badda ayaa waxay haatan u muuqataa mid isku bedeli karta gacan ka hadal.

Suurtogalnimaddan ayaa sii xoogeysatay ka gedaal markii gudoonka baarlamaanka Kenya ay xeer-dejinta dalkaasi horgeeyeen mooshin dhabaraha u xaaraya in ay Kenya dagaal gasho.

Sidda ku xusan hindisehaasi, xukuumadda Nairobi ayaa wuxuu farayaa in ay ciidamo geyso goobta ay sheeganeyso, waa hadii ay meel-mariyaan mudaneyaasha kadib dood kulul.

Goobtaasi oo ku taala sohdin badeedka labadda dal ayaa badkeeda lagu sheegay 100 KM oo isku wareeg ah, waxaana ay hodan ku tahay noocyo kamid ah kheyraadka sida Gaaska iyo Shidaalka.

Qaraarkaasi oo ay gudbiyeen Hogaamiyaha Aqlabiyadda baarlamaanka iyo madaxa Xildhibaanadda laga tirada badan yahay ayaa xoojinaya rabitaanka Kenya oo ah in kiiska wada hadalo lagu dhameeyo.

Aadan Barre Ducaale iyo John Mbadi oo Soomaaliya ku eedeeyay "hurinta xiisada iyo qaaditaanka talaabooyin sharci darro ah" ayaa UN-ka, Midowga Afrika iyo IGAD ka codsaday in ay soo farogeliyaan qadiyadan.

Si gaar ah dhankiisa, Ducaale oo asal ahaan Soomaali ah, wuxuu Muqdisho ku dhaliilay in ay diiday wada xaajood ay ka gasho arrintan, isaga oo qiil ka dhiganaya Heshiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay.

Villa Soomaaliya oo cadaadis ay Nairobi kala kulantay ka muujisay walaac badan ayaa ku adkeysatay in ay ka dhowr-sugeyso go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Aduunka oo dhageysiga kiiskan bilaabeysa bisha September.

Saxaafadda Kenya oo siyaabo kala duwan uga hadashay xeerkan ayaa xustay in ciidamada loo daabuli doono goobtaasi, waa hadii wada hadalo ay mar kale Kenya isku deyi doonto ay fashil kusoo dhamaadan.

Jaraa'idka The Star oo ka faalooday ciidamada ay Kenya u direyso biyaha Soomaaliya ee ay muranka gelisay ayaa ku tilmaamay "calaamad muujineyso in Kenya diyaar u tahay dagaal ay la gasho Soomaaliya".

Gal-dacwadeedka badda oo ay dowladda federaalka ah u gudbisay ICJ sanadkii 2014-kii ayaa tan iyo waqtigaasi waxay Kenya dedaal ugu jirtay in ay miiska wada hadal lagu xaliyo balse waji gabax ayey kala kulantay.

Talaabooyinka "qar iska tuurnimada" ee Kenya oo isa soo tarayey tan iyo bishii Febraayo ee sanadkan ayaa kusoo aadaya iyada oo war-fidiyeenka dalkaasi horey u baahiyeen in wadankooda looga cad-cad yahay labinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM