Kenya oo war cusub kasoo saarey weerarkii Al-Shabaab ee Sareedo

Image

NAIROBI, Kenya – Taliska Booliska Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkii saaka Al-Shabaab ka fulisay degaanka Sareedo ee gobolka waqooyi Bari.

Sareedo waa degaan qiyaastii 25 KM u jira degmada Dhadhaab ee hoostaga ismaamul goboleedka Gaarisa.

Sidda ay sheegeen dadka degaanka, dableyda Al-Shabaab ayaa weerarka kula jarmaaday tuulada abaare 5-tii aroornimo.

Bileyska ayaa tilmaamay in afar qof oo shacab ah lagu dilay falkaas. Dadka geeriyooday laba kamid ah waa cunug yar iyo macalin.

Laamaha ammaanka oo iska hor-imaad la galay kooxaha hubeysan ayaa toogtay laba kamida dableyda, sidda lagu xusan warbixinta, oo tirada dagaalameyaasha ku qeexday tobban.

"Hay'addaha amniga ayaa meesha ay wax ka dhaceen tagay, iyagoo baadigoobaya haraadiga dableyda," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka oo uu soo saarey afhayeenka booliska.

Weerarkan ayaa noqonaya midkii labaad oo todobaad gudahiisa ay kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ka geysato Kenya.

Axadii, 5-ta Janaayo, 2020, maleeyshiyaadka ayaa beegsaday xerada Manda Bay, halkaasoo ay ku gubeen diyaarado iyo gaadiid dagaal kuna dileen saddex Ameerikaan oo midkood uu askari yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM