Kenya oo war kasoo saarey dagaalkii ciidanka DF iyo Jubaland

Image

NAIROBI, Kenya – Taliska Booliska Kenya oo war kasoo saarey dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa beeniyey in iska hor-imaadka uu ka dhacay gudaha degmada Mandera.

War-saxaafadeedka oo koobnaa ayaa intaas ku daray in dhinacyadda ay ku dhex-dagaalameen Buula Xaawo oo hoostagta Soomaaliya.

Buula Xaawo, oo xaafado ka tirsan laga dareemayo barakac baahsan, ayaa xuduud dhuleed balaaran waxay la leedahay Mandera.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in laamaha ammaanka oo roondo kawaday xuduudka ay iska caabiyeen "dagaalameyaal dhowr jeer isku dayey in ay kasoo talaabaan sohdinta".

Sidda ku cad qoraalka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, shacabka ayaa looga digay in ay faafiyaan "wararka been abuurka ah".

Dagaalkii Beled-xaawo oo u dhaxeeyay ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac. Warbaahinta waxay xaqiijisay geerida illaa iyo saddex qof.

Isku dhaca ayaa yimid iyadoo askarta ay bilooyinkii u dambeeyay isku hor-fadhiyeen goobtaas kadib markii ay Dowladda federaalka Soomaaliya halkaas u daabushay ciidamo laga kaxeeyay magaaladda Muqdisho.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM