Kenya oo xabsi u taxabatay in ka badan toban qof oo Soomaali ah

Image

NAIROBI, Kenya – Booliska gobolka Garissa ee Kenya ayaa Sabtida maanta ah gacanta ku dhigay, baaritaanna ku bilaabay 12 qof oo Soomaali ah, sidda uu baahiyey telefishinka maxaliga ah ee Citizen Tv.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, shaqsiyaadkan aan wadan dukumiintiyo muujinaya jinsiyadahooda ayaa la qabtay iyagoo ku dhex-jira gaari dowladeed gaar ahaan nooca loo yaqaano Land Cruiser.

Dhamaantooda waxaa laga soo xiray buundada Garissa-Tana. Qabashooda waxay timid markii ciidamadu dalbadeen in ay eegaan hadii shaqada ay wadaan ay tahay mid ogolaanshiyo rasmi ah ka haysata dowlada.

"Saraakiisha kadib waxay ogaadeen in aqoonsiga la siiyey uu ka duwan yahay midka gaariga dhabta ah, waxay kaloo ogaadeen in gaariga uu ka diiwaan-gishan yahay Wasaarada Horumarinta Magaalooyinka Garissa," ayuu baahiyey Tv-ga oo soo xiganaya illo wareedyo dhanka amniga ah.

La tuhunsaneyaasha oo baaris ay ku socoto ayaa laga doonayaa in ay caddeeyaan goobta ay kusii jeedeen iyo cidda hogaamineysa.

Horaantii bishaan September, ciidanka Kenya ayaa fashiliyey shabakad ka ganacsatada dhoofinta dadka, kuwaasoo tarxiilayey 16 ruux isla markaana lagu qabtay wadada isku xirta degaanada Marsabit-Isiolo.

Shaqsiyaadkaas oo kala saarnaa saddex gaari oo kala duwan ayaa la sheegay in ay dhoofinayeen lix eedeysane oo haatan xabsi ku jira.

Kenya ayaa kamid ah wadamada caalamka oo ay ku badan yihiin kiisaska dhoofinta dadweynaha. Mas'uuliyiinta waxay mar walba sheegaan in ay wax ka qabanayaan, haddana way isa soo tarayaan dambiyadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM