Kenya oo xukuntay raggii lagu helay dambiga weerarkii Garissa

Image

NAIROBI, Kenya – Maxkamad ku taala magaaladda Nairobi xarunta dalka Kenya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay xukuno kala duwan ku riday saddex ruux oo lagu helay dambi ah in ay ka dambeeyeen weerarkii Jamaacadda Garissa.

Dhacdadaasi oo ay kooxda Al-Shabaab ka dambeysay isla markaana lasoo wariyey sanadkii 2015-kii ayaa waxaa ku naf-weysay 148 ruux, oo badankooda ahaa arday xiligaasi ku sugneyd xaruntaasi waxbarasho.

Garsooraha Maxkamada Nairobi, caasimadda dalka dhaca Geeska Afrika, Francis Andayi, ayaa garka u geliyey Maxamed Cali Cabdikar iyo Xasan Aadan Xasan 41-sano oo ay ku qaadan doonan xabsi.

Rashid Charles Mberesero, kaasi oo u dhashay waddanka Tanzania, ayaa waxaa lagu xukumay xabsi daa'in, maadaama sidda ay maxkamaddu sheegtay in uu door weyn ka cayaaray weerarka, uuna isku dabariday.

Mberesero ayaa sidoo kale waxaa ku cadaatey dambi ah in uu caawiyey dableyda duulaanka dhimashada badan keenay

Wargeyska Daily Nation ayaa ku waramaya in go’aanaddan ay yihiin natiijo kasoo baxdey baaritaano iyo dabagal in muddo ah socotay.

Weerarkii Jamaacadda lagu beegsaday ayaa waxaa fuliyey afar dabley, kuwaasi oo la sheegay in ay toogteen ciidamada ammaanka.

Ninka hogaaminayey howlgalkaasi, Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Kuno isla markaana ahaa Bare sare oo ka tirsan Dugsi Qur'an oo ku yaala Garissa ayay Kenya shaacisay in ay ku dishay Soomaaliya sanadkii 2016-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM