Kenya: Soomaaliya waxay wadaa ajande dhul-balaarsi ah

Image

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa kow iyo tobban qodob oo ay kasoo saartey dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya waxay ku fahfaahisay mowqifkeeda kiiskan ay dhageysigiisa soo afjartay Maxkamada Cadaalada Aduunka ee ICJ.

Ugu horeyn, xukuumadda Nairobi ayaa "cadaallo darro" waxay ku tilmaamtay in ICJ ay bilowday dhageysiga gal-dacwadeedka iyadda oo kaliya Soomaaliya ay ka qeybgashay wallow Kenya iskeed u maqneyd.

Sidda ku xusan qoraalkan ku taariikheysan 19-ka Maarso, Kenya ayaa garsoore Cabdiqawi Yuusuf, madaxweynihii hore ee ICJ ahna Soomaaliya waxay ku eedeysay in uu yahay mid dhinac gaar ah u jaranjeera.

Cabdiqawi ayay xustey in shir uu qaranka Soomaaliya ku metelay uu dalkiisa garab istaag ugu muujiyey. Balse, xukuumadda Nairobi ma aysan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashooyinkeeda.

Daraf sadexaad oo aysan magacaabin balse ay ku qeexday "dano ganacsi" ayay intaas ku dartay in ay hurinayaan kiiska "arrintaas oo walaaceeda leh khatarna ku ah xasiloonida, nabadda iyo amniga Geeska Afrika".

Qoraal ay u dirtey ICJ ayay tibaaxdey in ay ku caddeysay in Kenya ay dedaal badan gelisay nabada Soomaaliya, la dagaalanka Al-Shabaab iyo magangalyo siinta Soomaalida colaadda uga soo cararay waddankooda.

Ugu dambeyntii, Kenya oo Soomaaliya ku eedeysay in ay riixeyso "ajande is-balaarin" ayaa ku nuux-nuux-satay in ay dooneyso in qaab diblumaasiyadeed lagu xaliyo kiiska badda lana tixraaco xuduudihii dib loo asteeyay sanadkii 2014-kii.

Hoos ka akhriso qoraalka Kenya

May be an image of text

May be an image of text

May be an image of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM