Kenya: Taageero xoog leh oo loo muujiyay askari Soomaali ah

Image
Xafiiska dacwada oogaha ayaa sheegay in uu diyaariyay gal dacwadeed oo ka dhan ah Maxamed Rashiid.

NAIROBI, Kenya - Qaar badan oo ka mid ah shacabka Kenya ayaa la yaab iyo lama filaan ay ku noqotay kadib markii dowladda dalkaasi ay shaacisay in ay dacwad kusoo oogayso askari ka tirsan ciidanka booliiska oo Soomaali ah, kaas oo lagu magacaabo Maxamed Rashiid.

Maxamed ayaa caan ku ah la dagaalanka burcadda Nairobi, gaar ahaan xaafadaha Islii, Huruma, iyo Mathare, halkaas oo ay ku yaalaan deegaanada isku raranta ah ee ay tuugada Nairobi u badanyihiin, waxayna shacabka iyo ganacsatada sheegeen in ay ku nasteen shaqada sanooyinkii dambeeyay uu Maxamed Rashiid ka hayay halkaas.

Laanta dabogalka hab-dhaqanka booliiska Kenya ee IPOA ayaa baaritaan ay samaysay waxa ay ku sheegtay in Maxamed Rashiid uu dharaar cad toogasho ku diley tuugo ka hor inta aanan sharciga la hor keenin, waxayna ugu baaqday xafiiska dacwad oogaha guud in uu dacwad kusoo oogo Maxamed Rashiid.

Xafiiska dacwada oogaha ayaa sheegay in uu diyaariyay gal dacwadeed oo ka dhan ah Maxamed Rashiid.

Haseyeeshee shacabka dalkaasi oo aragtidooda kusoo bandhigay baraha bulshada iyo warbaahinta dalkaasi ayaa si weyn u dhaliilay talaada dowladda, waxana ay sheegeen in Maxamed Rashiid uu horseeday amniga hadda ka jiro meelo badan oo ka mid ah Nairobi, isaga madixiisana lagu ganacsato, laguna noolyahay.

Qaarkood ayaa isweeydiiyay xikmadda ka dambeysa in dowladda aysan waxbo ka qaban tuugada dadka laysa, taasi badelkeedana ay dabo dhigato askartii u xil saarnaa la dagaalanka burcadda.

Waxaa jira muuqaal si weyn baraha bulshada ugu faafay oo muujinaya Maxamed Rashiid oo bartamaha Islii ku tooganaya mid ka mid ah tuugo la qabtay iyaga oo wax dhacaya, waxayna dhacdadan ka mid tahay caddaymaha lagu haysto Maxamed Rashiid.

Haddii askarigan maxkamad la saaro, waxa ay dadka ka baqdin qabaan in tuugadii Islii ay dib usoo laabato, taasina ay horseeddo in amni xumo looga qaxo baladka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM