Kenya: Tirada dadka aan wax baran sanadkii 2019 oo lasoo bandhigay

Image

NAIROBI, Kenya – Tirokoobka dadweynaha iyo guryeynta ee Kenya laga sameeyay sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-kii ayaa lasoo bandhigay maxsuulka, gaar ahaan waxbarashadda.

Ugu horeyn, warbixinta ayaa lagu sheegay in 17.8 milyan ay iska diiwaan-geliyeen goobaha waxbarashadda.

Balse, tiradaas waxaa qalin-jebisay 11.6 milyan oo kamida, taasoo macnaheedu yahay in 6.9 milyan oo dadkaas ah ay dhexda kaga hareen waxbarashadda ama aysan dhameystiran.

Shaacinta layaabka noqotay ayaa waxay tahay in 7.1 milyan oo dadka Kenya ah aysan xaadirin iskuuladda.

Tiradda dadka dhigtay Jaamacadaha waa 1.3 milyan, halka wadar ahaan dugsiyadda hoose, dhexe iyo sarre ay gaareyso 16.7 milyan.

Kenya ayaa lagu sheegay mid kamid ah dalalka ay ka jiraan nidaamka waxbarasho ee ugu fiican caalamka gaar ahaan Afrika.

Soomaalida oo sanadihii u dambeeyay ay xoogeysatay saameyntooda bulsho iyo siyaasad ahaan ee Kenya ayaa safka hore kaga jira dadyogw camira goobaha waxbarashada wadankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM