Kenya: Tobban askari oo ku naf-weyday shil diyaaradeed

Image

NAIROBI, Kenya - Toban ka tirsan ciidamada cirka Kenya ayaa dhintay halka 13 kale ay soo gaareen dhaawacyo markii diyaarad militari oo ay la socdeen ay ku burburtey iyaddoo kusoo degayesa Oltepesi, Kajiado West.

Askarta dhimatay ayaa tababar u socodey. Waaxda difaaca Kenya waxay tibaaxdey in ay murugada la wadaageyso qoysaska saskarta ku naf-weyday dhacdadaas.

Sida lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay afhayeenka Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) Zipporah Kioko, shilka diyaaradeed ee Mi 171E ayaa soo degay abaaro 9-kii subaxnimo ee Khamiista.

Col Kioko ayaa intaas ku daray in dadkii dhaawacmay loo qaaday isbitaalka ciidamada difaaca ee Memorial ee magaalada Nairobi, isaga oo intaas ku daray in dhaawacyada qaarkood ay yihiin kuwa aad u liidato.

Afhayeenka ayaa wuxuu hoosta ka xariqay in baarayaasha shilalka diyaaradaha ay gaareen goobta si ay u cadeeyaan sababta shilka oo warar is-khilaafsan ay kasoo baxayaan sababaha dhabta ah ee dhabaha u xaarey.

Ku xigeenka Gudoomiyaha Galbeedka, Kajiado Muranga Morakwa oo u waramay warbaahinta maxaliga ah, ayaa wuxuu daaha ka rogay in askarta KDF-ta ay mudo dheer ku tababaranayeen aagaasi.

Burburka kahor, helicopter-ka ayaa hawada ku meeraysanayay in ka badan 20 daqiiqo iyadoo kuwii saarnaa ay isku dayayeen inay boodaan. Hase ahaatee, waxay ku guuldareysteen in ay ka badbaadaan dhacdadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM