Kenyatta iyo taliyaha AFRICOM oo wadahadalo yeeshay

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa Talaadadii wuxuu Madaxtooyadda magaaladda caasimadda ah ee Nairobi kula kulmay, Stephen Townsend oo ah Taliyaha Howlgalka Mareykanka ee Afrika [AFRICOM].

Is-araggan wuxuu yimid todobaadyo kadib markii Washington ay shaacisay in ay la baxeyso ciidamadda ka jooga Soomaaliya, Afghanistan iyo Iraq.

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa war qoraal ah ku xustey in askarta kaga sugan Soomaaliya loo wareejin doono wadamadda Jabuuti io Kenya.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed ay Madaxtooyadda Kenya u dirtay warbaahinta madaxa-banaan, madaxweyne Kenyatta iyo Jeneraal Townsend ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga milatariga labada waddan.

Jeneraal Townsend waxaa shirka ku wehliyey Taliyaha guud ee Ciidanka Difaaca Kenya Jeneraal Robert Kibochi iyo safiirka Mareykanka, Kyle McCarter.

Mareykanka waxaa kaga sugan Soomaaliya ku dhowaad 700 askar kuwaasoo ciidamadda xoogga ka caawiya la dagaalanka maleyshiyadda Al-Shabaab.

Howlgalka ayaan muhiim badan looga arag gudaha Mareykanka, balse wuxuu laf-dhabar u yahay dedaaladda Waaxda Difaaca Mareykanka ay kula dirireyso shabakadda argagixisada caalamiga ah ee loo garan ogyahay Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM