Khasaaraha dhimashada dagaalka Suudaan oo dhaafay 200 ruux

Image
Labada qolo ee ku hardamaysa dalka ayaa midba kan kale ku eedeeyay in uu ku xad gudbay xuquuqda bini'aadamka.

KHARTUUM, Suudaan - In ka badan 200 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay colaada dalka Suudaan tan iyo intii dagaaladu bilawdeen Sabtidii todobaadkan, sidda ay xaqiijiyeen ururka dhakhaatiirta waddankan.

Dhaawacyada rayidka ayaa kor u dhaafay kun qof iyada oo Qaramada Midoobay ay ku baaqday in loo furo marinada rayidka iyo dhaawacyada si loo badbaadiyo dadka aadka u nugul.

Labada qolo ee ku hardamaysa dalka ayaa midba kan kale ku eedeeyay in uu ku xad gudbay xuquuqda bini'aadamka iyo in uu dhib ka gaystay goobaha rayidka.

Dhinaca kale, Dowladda Jarmalka oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa ka baaqsatay daad-gureyn ay dalka Sudan uga soo samatabixin lahayd 150 muwaadiniinteeda ah.

DIblamaasiyiin ayaa ku jira dadkaan, sida uu ku waramay Wargeyska dalkaasi kasoo baxa ee lagu magacaabo Der Spiegel iyada oo aan la ogayn wakhtiga loo dib dhigay .

Hareeraha Garoonka diyaaradaha ee magaaladda caasimadda ah ee Khartuum ayaa waxaa ka socda dagaalo culus iyada oo uu magaaladana ka socdo barakac xoogan.

Sawirro ay baahisay warbaahinta Suudaan ayaa muujiyey dadwayne badan oo bas ku sugaya bariga magaalada Khartuum si ay uga qaxaan dagaalka u dhaxeeya milatariga iyo xoogaga aadka u hubeysan ee RSF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM