Khasaarihii ugu horeeyay Qaraxyo iyo weerar lagu qaadey Hotel ku yaalla Nairobi

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Weerar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ku billowday oo lagu qaadey Dhismo Hotel iyo Dukaamo ka kooban oo ku yaalla galbeedka magaalada Nairobi, ee caasimadda dalka Kenya.

Labo qarax ayaa la maqlay iyadoo ay xigtay rasas ka dhacaysa Hotel-ka Dusit, iyadoo sawirro laga soo qaadey goobta ay muujinayaan gawaari dab qabsaday iyo dad laga soo saarayo.

Wargeyska The Star ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ruux la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarka oo wali socda, iyadoo tiro dad ah ay ku dhaawacmeen, waxaana soconaya samatabixinta dadka ku xanniban gudaha.

"Waxaa nagu socda weerar, rasaas ayaan maqlaynaa, waxaana ku dhex xabbinahay gudaha hotel Dusit," ayuu yiri qof kamid ah dadka gudaha dhismaha ku jira, oo la hadlay Reuters.

Taliyaha Booliska Nairobi, Philip Ndolo ayaa sheegay in ciidamada gaarka Kenya ay la tacaalayaan ragga weerarka kusoo qaadey dhismaha, iyagoo xiray wadooyinka ku dhaw hotel Dusti.

Waa weerarkii labaad oo lagu qaado goob sidan oo kale muhiim u ah oo ku taalla Nairobi, iyadoo September 2013 Al Shabaab ay weerartay xarunta Westgate Mall oo lagu dilay 67 ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM