Khatar kusoo wajahan caasimadda Nigeria oo laga digay

Image
Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa muwaadiniintooda uga digay in ay u socdaalaan magaaladda Abuja.

ABUJA, Nigeria - Mareykanka iyo Britain ayaa ka digay weeraro argagixiso oo ka dhici kara caasimadda federaalka Nigeria ee Abuja, gaar ahaan kuwa lala beegsaday xarumaha dowladda, goobaha cibaadada iyo dugsiyada, iyo bartilmaameedyo kale, sidda ku cad qoraalo ay soo saareen labadda waddan.

Safaaradda Maraykanka ee Nigeria ayaa war-saxaafadeedka sheegtay in “ay jirto khatar sare oo ah weeraro argagixiso oo ka dhaca Nigeria, gaar ahaan Abuja".

Qoraalka rasmiga ah ayay intaa ku dartay in goobaha laga dukaameysto, xarumaha sharciga iyo hay’adaha caalamiga ah ay ka mid yihiin meelaha khatarta ah.

Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa ka digtay in muwaadiniinteeda Nigeria ku sugan ay feejignaadaan sababo la xiriira "kororka khatarta weerarrada argagixisada ee Abuja".

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Nigeria oo warbaahinta ay xiriiro la sameysay ayaan wali ka falcelin dhawaqa kasoo yeeray safaaradahan dalalka reer galbeedka.

Amni-darrada, oo ku fiday Nigeria, waa arrin aad u weyn oo ay ku go'aan qaadanayaan cod-bixiyayaasha marka ay u dareeraan doorashada bisha Febraayo ee soo socota si ay u doortaan madaxweyne cusub oo beddeli doona madaxweyne Muhammadu Buhari.

Nigeria ayaa la dagaalameysa kacdoono islaami ah oo inta badan ka socda waqooyi bari, balse bishii July kooxda isku magacaawday dowladda islaamiga ah waxay sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday xabsi ku yaalla Abuja, kaasoo lagu sii daayay ku dhawaad ​​440 maxbuus waxaana ka dhashay cabsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM