Kheyraadka ee Afrika ee qaybta ka ah hurinta colaada Ukraine

Image
Ruushka ayaa lagu eedeeyay in uu si xun uga faa'iideysanayo hantida "uu sida qaldan uga qaadanayo qaaradda".

WASHINGTON, US - Mareykanka ayaa sheegay in 'calooshood u shaqeystayaasha' Ruushka ay ka faa’ideysanayaan kheyraadka dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Mali, Suudaan si ay u maalgeliyaan dagaalka Moscow ee Ukraine.

Ruushka ayaa diiday eedeynta isagoo ku tilmaamay "cadho ka dhan ah Ruushka", sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield, ayaa sheegtay in kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ee hadheeyay Ruushka ay u isticmaalayaan "guulaha sida xun loo helay" si ay "u maalgeliyaan mashiinka dagaalka ee Moscow ee Afrika, Bariga Dhexe, iyo Ukraine".

"Ha khaldamin: dadka Afrika oo dhan waxay qiimo weyn ku bixinayaan hab-dhaqannada ka faa'iidaysiga ah ee kooxda Wagner iyo ku xad-gudubka xuquuqul insaanka," ayay u sheegtay shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsanaa maalgelinta kooxaha hubaysan ee ka ganacsiga sharci-darrada ah ee kheyraadka dabiiciga ah.

Ruushka wuu diiday wax xiriir ah oo uu la leeyahay Wagner.

Kooxda ayaa tan iyo sanadkii 2016-kii ka shaqeynaysay dalka Liibiya, halkaas oo ay ku taageertay General Khalifa Haftar ee kasoo horjeeda dowladda rasmiga ah ee Tripoli sanadka 2019-ka.

Sanadkii 2017, Kooxda Wagner waxaa lagu martiqaaday Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (CAR) si ay u ilaaliyaan qodista dheemanka. Waxa kale oo la sheegay in ay ka shaqaynayso dalka Suudaan, iyada oo ilaalinaysa macdanta dahabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM