Kiisaska Covid-19 ee Jabuuti oo qarka u saaran in ay gaaraan kun

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta oo Arbaco ah waxay ku dhawaaqdey in ay diiwaan-gelisay 28 kiis cusub oo ah fayruska safmareenka ah ee Corona.

Tani ayaa ka dhigan in tiradda guud ee kiisaska Covid-19 ee waddankaas ay haatan tahay 974, kuna dhow-dahay kun xaaladood.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda kaasoo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa intaas ku daraya in dadka kasoo kabtay cudurka ay tiradoodu tahay 183.

Kororkaan xad-dhaafka ah ayaa loo aaneeyay muwaadiniinta oo aan si wanaagsan ugu hogaan-samin talooyinka caafimaad ee xukuumadda.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku goodiyey in ay soo rogi doonan bandow adag, haddii uusan isbedelin hab-dhaqanka dadweynaha oo uu ku dhaliilay in ay yareysanayaa xanuunka.

Isagoo ku hadlaya luuqada Faransiiska ayuu carabka ku dhuftay in ay aad u sareyso suurtalgalnimadda in kiisaska ay sii bataan.

Jabuuti ayaa kamida dalalka Geeska Afrika ee tiradda kiisaska ay si maalinle ah u kordhaan, waxaana hooseysa suurtagalnimadda in uu hoos-u-dhac yimaado, maadaama ay badan tahay dadka laga baarayo.

QORAALKA

Image

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM