Kiisaska cudurka Covid-19 ee gudaha Jabuuti oo kor-u-dhaafay laba kun

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Jabuuti ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 223 kiisas cusub oo ah safmarka Covid-19, taas oo wadarta xaaladaha xanuunka ee dalkaas ka dhigeysa 2,270.

Bukaanada cusub oo isugu jira rag iyo dumar ayaa waxay kamid yihiin 941 oo lagu baarey sheybaarka yaala magaala madaxda Djibouti City.

Illaa iyo haatan, Jabuuti ayaa xanuunka ka baartay 22,097 ruux. Tiradda dhimashadda waxay mareysaa tobban, bogsashadana 1,064.

Jabuuti oo kamid ah dalalka Geeska qaaradda Afrika ee sidda ba’an uu u saameeyay cudurka ayaa sababta lagu sheegay ajnabiga oo ku badan.

Kiisaskii ugu horeeyay ayaa ahaa saraakiil ciidan oo kasoo jeeda Spain. Wadankaas dhaca qaaradda Yurub waxaa laga helay kumanaan kiisas.

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Jabuuti ay bukaanadda qaba ku dhabiibto daawadda Maleeriyadda.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ayaa tibaaxday in daawadaas aysan xaqiijin haddii ay badbaadin karto shaqsiyaadka uu soo rito caabuqa faafa. Balse, madaxweynaha Mareykanka wuxuu dhiirageliyey adeegsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM