Koonfur Afrika oo caddeysay mowqifkeeda xariga Vladimir Putin

Image
Dalkan Afrikaanka ah ayaa sharci ahaan ku qasban qabashadda hogaamiyaha waddanka Ruushka.

CAPE TOWN, Ruushka - Wasiirka arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika Naledi Pandor ayaa sheegtay in dowladda ay tahay in ay ka hadasho amarka lagu soo xirayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka hor inta aysan ka fiirsan tallaabo kasta.

Mr Putin ayaa lagu wadaa in uu u safro Koonfur Afrika oo uu kaga qeyb galayo shir madaxeedka Brics (Brazil, Russia, India, China iyo South Africa) bisha August.

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ayaa 17-kii bishii March soo saartay amar lagu soo xirayo Mr Putin oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine.

Maadaama ay saxiixday heshiiskii caalamiga ah ee magaaladdaRome, Koonfur Afrika waxay si sharci ah ku qasban tahay inay xirto Mr Putin oo ay horgeyso maxkamad.

Ms Pandor oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah ayaa ka dhawaajisay in madaxda Koonfur Afrika ay marka hore kala tashan doonaan dhanka Ruushka arrimaha ku saabsan amarka.

"Koonfur Afrika waxay eegeysaa qodobada sharciga ah. Sidoo kale waa in ay ka doodaan golaha wasiirada. Asxaabteena Ruushka ayaan si lamid ah la wadaagi doonaa," ayay Ms Pandor u sheegtay warbaahinta dowladda ee SABC News.

Koonfur Afrika ayaa xiriir adag la leh Moscow in kasta oo reer galbeedka ay cambaareynayaan. Cilaaqaadkaas waxa uu salka ku hayaa ganacsi maadaama labada dal ay is-dhaafsadaan shidaalka oo kamid ah waxyaabaha isku haya iskaashigooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM