Koonfur Afrika oo raxan shabeelo ah u dhoofisay Hindiya

Image

CAPE TOWN, Koonfur Afrika - Raxan shabeelo ah oo gaaraya 12 ayaa laga dajiyay dalka Hindiya kadib markii diyaarad looga qaaday Koonfur Afrika, iyaga oo ku biiraya 10 kale oo laga qaaday Namibia.

Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiis dhex maray Hindiya iyo labadan dal ee Afrikaanka ah kaasoo dhigaya in sanad kasta 12 shabeel lagu wareejiyo Hindiya muddo 8 sano ah.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe balaaran oo dowladda Hindiya ku doonayso in ay ku kordhiso tirada sii yaraanaysa ee shabeelada ku nool kaymaha dalkaasi.

Shabeeladan ayaa, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah, waxaa loosii duulin doonaa kaynka lagu magacaabo Kuno oo ku taala gobolka Madhya Pradesh.

Dhulka sida xooggan usii magaaloobaya ee Afrika ayaa la sheegay in ay halis weyn galisay noloshii dabiiciga ahayd ee duurjoogta uu shabeelka ka mid yahay.

Shabeelka ayaa ka dabar go’ay Hindiya laga soo bilaabo sanadkii 1952-dii sababo la xiriira ugaadhsiga noolahan oo loo dilo sababo la xiriira haragiisa oo qaali ah iyo waliba dhulka sii magaaloobaya ee Hindiya, taas oo sare u qaadday isku dhacyada dadka iyo xayawaanka.

Tirada Shabeelka ee dunida ku nool ayaa la sheegay in ay hoos ugu dhacday illaa 7 kun oo kaliya, iyada oo welwel badan laga qabo in mar aanan fogeyn lagaba waayo adduunka haddii aanan wax laga qabanin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM