Koox xiriir la leh ISIL oo 10 qof ku dishay dalka Uganda

Image
Dableyda ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in ay gubeen mooto ayna bililiqeysteen bakhaar.

NAIROBI, Kenya - Maleeshiyo xiriir la leh kooxda Daacish ayaa gubay ugu yaraan 10 qof oo rayid ah kadib weerar ay ku qaadeen magaalo ku taalla Koonfur-Galbeed ee Uganda, sida ay booliisku sheegeen Talaadadii.

Dableydan oo ka tirsan xoogaga Allied Democratic Forces (ADF) ayaa ka tallaabay xadka si ay u weeraraan xarun ganacsi oo ku taal Kamwenge, sida ay booliisku sheegeen.

"Natiijooyinka hordhaca ah waxay muujinayaan in 10 dabley oo ku hubeysnaa qoryaha SMG ay weerarka fuliyeen oo ay si ba'an u gubeen 10 qof," ayuu yiri afhayeenka booliiska gobolka Vincent Twesige.

Kooxda weerarka geysatay ayaa sidoo kale gubay mooto, waxayna bililiqeysteen bakhaar, sida uu sheegay Twesige.

Twesige waxa uu intaas ku daray in ciidamada Uganda la geeyay goobtan si ay u baacsadaan mintidiinta oo la aaminsan yahay in ay gacan-saar dhow la leeyihiin kooxda Daacish.

Weerarka oo dhacay abaare 2-dii subaxnimo ee Talaadadii ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib markii madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu sheegay in ugu yaraan 200 oo ka tirsan fallaagada ADF lagu dilay bishii Sebtembar.

ADF waxaa lagu asaasay Bariga DRC sanadkii 1995-tii. Kooxdan ayaa waxay noqotay midii dadka ugu badan dishay.Waxaa lagu eedeeyay xasuuq, afduub iyo dhac, iyadoo tirada dhimashada lagu qiyaasay kumanaan.

Bishii Juun, xubnaha maleeshiyada ADF ayaa waxay dileen 42 qof oo ay ku jiraan 37 arday kuwaasoo dhigata dugsi sare oo ku yaal Galbeedka Uganda oo u dhow xadka DRC, sidda ay sheegeen laamaha ammaanka dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM