Ku dhawaad ​​40 arday ah oo lagu dilay weerar lagu qaadey iskuul

Image
Labaatan ka mid ah ayaa lagu weeraray baangado halka 17 ka mid ahna waa la gubay, sidda uu sheegay booliska.

KAMPALA, Uganda - Ku dhawaad ​​40 arday ah ayaa lagu dilay weerar lagu qaadey iskuul ku yaalla galbeedka Uganda. Falkan ayaa lala xiriiriyey koox fagaalo ah oo loo maleynayo in ay taabacsan tahay maleyshiyaadka Daacish.

Shan dabley ayaa lagu waramay in ay beegsatay dugsiga sare ee Lhubiriha ee Mpondwe saacadu markay ahayd abaare 23:30 waqtiga maxaliga ah (20:30 GMT) Jimcihii.

Kooxda hubeysan ayaa waxay gashay qolalka jiifka kadibna dab-qabadsiiyay, waxayna isticmaaleen baangado si ay u dilaan una naafeeyaan ardayda, sida ay saraakiishu sheegeen.

Xoogaga Allied Democratic Forces (ADF) – oo fadhigoodu yahay waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) – ayaa lagu eedeeyay weerarka. Howlgal lagu goobayo raadkooda ayaa bilowday.

Wasiirka warfaafinta Uganda, Chris Baryomunsi oo u waramay Idaacadda BBC-da, ayaa waxa uu shaaca ka dhigay in 37 arday la xaqiijiyay in la dilay, balse ma uusan sheegin da’dooda.

In ka badan 60 qof ayaa wax ku barta dugsiga kuwaas oo badankooda jiifta xarunta. "20 ka mid ah ayaa lagu weeraray baangado 17 ka mid ahna waa la gubay," ayuu raaciyey Baryomunsi.

Dhacdadan ayaa daba socota weerar todobaadkii hore ay dagaalyahano looga shakisan yahay ADF ay ka geysteen tuulo ku taal DRC oo u dhaw xadka Uganda. In ka badan 100 qof ayaa u qaxay Uganda laakiin waa ay soo noqdeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM