Ku dhowaad 20 qof oo ku dhintay shil baabuur koonfurta Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay 32 kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay deegaanka Borana ee gobolka Oromada ee dalka Itoobiya Talaadadii, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Shilka ayaa ka dhacay degmada Teltaale.

Majaladda maxaliga ah ee Addis Standard ayaa sheegtay in 18 qof ay soo gaareen dhaawacyo khatar ah oo nafta halis gelinaya, 14 kalena ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

Shilkan ayaa waxaa ka dhashay bas nooca dadweynaha qaada ah oo ka soo ambabaxay magaalada Milano kuna sii jeeday suuq ku yaala tuulada Wayu ee u dhow.

Baska ayaa wadada ka baxay, sida uu sheegay xafiiska isgaarsiinta deegaanka.

Dadka deegaanka iyo maamulka gobolka ayaa u soo gurmaday dadkii ku dhaawacmay shilkaasi, waxaana la geeyey isbitaallada Wolayta Sodo iyo Teltaale.

Wolayita Sodo waa magaalo ku taal koonfurta Itoobiya, waxa ayna 313 kiiloomitir (194 mayl) u jirtaa caasimadda qaranka ee Addis Ababa halkaas oo sidoo kale ay ku badan yihiin shilalka baabuurta wallow khasaaruhu aad u yar yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM