Ku dhowaad 20 qof oo ku dhintey dab ka kacay dhuun shidaal

Image
Xatooyada iyo sifeynta sharci darrada ah ee batroolka ayaa aad ugu badan waddanka.

ABUJA, Nigeria - Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay Jimcihii kadib markii qarax iyo dab uu ka kacay meel u dhow warshad saliid sifeeysa oo sharci darro ah oo ku taal gobolka Delta ee Nigeria, sida ay booliisku sheegeen.

Afhayeen u hadashay booliska ayaa xustey in qaraxa uu dhacay markii dad ay isku dayeen in ay shidaal cayriin ka xadaan dhuumo marayey meel fog ee aagga Emuoha ee koonfurta gobolka Rivers.

"Waan ka warqabnaa in uu jiro qarax la xiriira dhaq-dhaqaaqyo qariban," ayay Grace Iringe-Koko u sheegtay suxufiyiinta iyadda oo intaas ku dartey in 12 ruux ay ku dhinteen dab ka kacay qaraxa.

Hase ahaatee, dadka degaanka oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ayaa caddeeyay in khasaaruhu uu ka badan yahay tirada ay booliisku sheegeen.

"Ilaa 20 qof oo dhamaantood dhalinyaro ah ayaa lagu dilay dhacdadan inkastoo dadkeennu aysan tagi karin halkaas sababo la xiriira ammaanka," ayuu Clement Kekemo ayaa u sheegay Anadolu isagoo ku sugan magaalada Port-Harcourt ee xarunta gobolka Rivers.

Qaraxa ayaa yimid kadib markii darawalkii waday bas aad u rarnaa uu ka gubtey matoorka, sidda laga soo xigtey Kekemo. “Dhammaan dadkii baska saarnaa iyo kuwii saliidda rarnaa waa ay gubteen," ayuu sii raaciyey.

Xatooyada saliida iyo sifeynta sharci darrada ah ayaa ku badan gobolka Delta ee Nigeria, sidda uu xaqiijiyey Yahaya Adebisi, oo ah injineer batroolka aaggaas. Falkan wuxuu imaanayaa xilli dalkan ay ka qabsoontey doorasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM