Ku dhowaad 40 qof oo asbuuc gudahiisa lagu dilay Burkina Faso

Image
Dhimashadan ayaa lagu waramay in ay ka dhalatay weeraro ay geysteen kooxo jihaad-aloosyaal ah.

NAIROBI, Kenya - Illaa 40 qof ayaa lagu dilay mowjado weeraro ah oo ka dhacay Burkina Faso oo kamid ah meelaha ay ku badan yihiin weerarada Jihaad-aloosyaasha, sidda ay sheegeen mas'uuliyiin.

Sida ay ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah iyo dadka deegaanka u sheegeen AFP, illaa 20 qof ayaa lagu dilay weeraro xiriir ah oo lagu qaaday tuulooyin ka tirsan waqooyiga Burkina Faso.

Subaxnimadii hore ee Khamiista, kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday saddex tuulo oo ku yaalla gobolka Yatenga ee waqooyiga dalkaasi halkaasoo ay khasaaro ka geysteen.

"Shalay abbaare 5-tii subaxnimo (maxali ah iyo GMT), kooxo hubaysan ayaa weeraray tuulooyinka Pelle, Zanna iyo Non Faire," ayuu yir qof kamid ah dadka degaanka ah.

Shaqsigan oo magaciisa uga gaabsadey sababo la xiriira cabsi dhanka ammaankiisa ah ayaa ku daray: "Waxaa jira kuwo kale oo badan oo dhaawacmay".

Mid kale oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay "Kooxaha dilka geystay oo ku yimid mooto bajaaj, waxaa eryay dad iskaa wax u qabso ah [kaaliyeyaasha rayidka ah ee ciidanka] iyo askar."

Weerarkan ayaa waxaa xaqiijiyay ilo ka tirsan laamaha ammaanka, kuwaasoo tirada dhimashada ku sheegay ​​20-qof, iyaga oo xusay inay socdaan howlgallo lagu baadi-goobayo kooxihii dilka geystay.

"Maleyshiyaadka waxaa la isaga caabiyey taageero xagga cirka ah kadib markii ay gabaad ka dhigteen keynta Barga," ayuu yiri sarkaal dhanka ammaanka ah. "Dhawr ayaga kamid ah ayaa dhintay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM