Ku dhowaad 40 qof oo ku geeriyooday shil gaari

Image

ACCRA, Cameroon – Ugu yaraan 37 qof ayaa ku dhimatay 18 kalena dhaawacyo halis ah way ka soo gaareen kadib shil bas oo ka dhacay tuulada Nemale ee galbeedka dalka Cameroon, sidda ay sheegeen saraakiisha.

Baska oo ka kooban 70 kursi ayaa kusii jeeday caasimada Yaounde, wuxuuna ka yimid magaalada galbeedka ku taala ee Foumban.

Sidda ay warisay warbaahinta, shilka wuxuu yimid markii uu ku dhacay gaari xamuul ah xilli uu isku dayayay inuu ka fogaado dad fara badan oo wadada marayay abaare 2am waqtiga maxaliga ah (01:00 GMT) Axada.

Absalom Monono Woloa, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda ku sugan aagaas, ayaa xusay in geerida intaas ka badan karto maadaama ay jiraan dhaawacyo xaaladooda uu tibaaxay in aad looga deyrinayo.

"Inta badan dadka safarka galay waxay doonayeen in ay qoysaskooda la dabaaldegaan Maalinta Sannadka Cusub, iyagoo ka soo noqday dabaaldegyada Maalinta Kirismaska iyo qaar kale oo ganacsato ahaa," ayuu ku daray.

Dadka degaanka shilku ka dhacay ayaa falka kadib waxay u soo dhaqaaqeen dhanka gaariga ayaga oo isku dayay in ay gargar u fidiyaan.

Shilalka baabuurka ayaa kamid ah dhacdooyinka sidda maalinlaha ah looga soo wariyo qaybo kala duwan oo waddanka Cameroon ah. Inkasta oo dowladda sheegto in ay la tacaaleyso, haddana sababta ma ahan mid cad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM