Ku dhowaad 40 qof oo ku geeriyooday shil gaari

Image

ACCRA, Cameroon – Ugu yaraan 37 qof ayaa ku dhimatay 18 kalena dhaawacyo halis ah way ka soo gaareen kadib shil bas oo ka dhacay tuulada Nemale ee galbeedka dalka Cameroon, sidda ay sheegeen saraakiisha.

Baska oo ka kooban 70 kursi ayaa kusii jeeday caasimada Yaounde, wuxuuna ka yimid magaalada galbeedka ku taala ee Foumban.

Sidda ay warisay warbaahinta, shilka wuxuu yimid markii uu ku dhacay gaari xamuul ah xilli uu isku dayayay inuu ka fogaado dad fara badan oo wadada marayay abaare 2am waqtiga maxaliga ah (01:00 GMT) Axada.

Absalom Monono Woloa, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda ku sugan aagaas, ayaa xusay in geerida intaas ka badan karto maadaama ay jiraan dhaawacyo xaaladooda uu tibaaxay in aad looga deyrinayo.

"Inta badan dadka safarka galay waxay doonayeen in ay qoysaskooda la dabaaldegaan Maalinta Sannadka Cusub, iyagoo ka soo noqday dabaaldegyada Maalinta Kirismaska iyo qaar kale oo ganacsato ahaa," ayuu ku daray.

Dadka degaanka shilku ka dhacay ayaa falka kadib waxay u soo dhaqaaqeen dhanka gaariga ayaga oo isku dayay in ay gargar u fidiyaan.

Shilalka baabuurka ayaa kamid ah dhacdooyinka sidda maalinlaha ah looga soo wariyo qaybo kala duwan oo waddanka Cameroon ah. Inkasta oo dowladda sheegto in ay la tacaaleyso, haddana sababta ma ahan mid cad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda: Museveni oo mar 7aad u tartmayo kursiga, isagoo balan-qaadey inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa

Madaxweyne Museveni wuxuu xukunka la wareegay sannadkii 1986 kadib dagaal sokeeye oo shan sano socday.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 04:09PM

Maxaabiis Soomaali kamid tahay oo sugaya in lagu fuliyo dil dalka Sacuudiga

Liiska magacyada la helay oo ay ku jiraan 43 Itoobiyaan iyo 13 Soomaali ayaa muujinaya tirada la xukumay.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 09:12AM