Ku dhowaad 50 Xildhibaan oo laga baarayo fayruska faafa ee Corona

Image

NAIROBI, Kenya – Baarlamaanka waddanka Kenya ayaa wuxuu go'aansaday in ku dhowaad 50 Xildhibaan laga baarayo Coronavirus, sidda uu daabacay wargeyska afka dheer ee Daily Nation.

Sidda ku xusan warbixinta, magacyadda mudaneyaasha ayaa guddoonka xeer-dejinta loo gudbiyey. Sababta waa tuhun iyo cabsi laga qabo in ay dhowaan la kulmeen dad qaadey cudurka.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu waramay in la siiyey awood ah in ay xitaa baarto howlwadeenada golaha.

Awoodaha ay wasaaradda haysto waxaa qeyb ka ah in ay xitaa karan-tiil gelin karto sharci-dejiyeyaasha ay tuhunto.

Warbixinada qaarkood ayaa intaas ku daraya in talaabadaan ay ka dambeysay markii Xildhibaan laga helay fayruskaas.

Xildhibaankaas ayaa lagu waramay in uu la kulmay gudoomiye gobol oo dhowaan kasoo laabtay waddanka Jarmalka.

Laba bil gudahooda, Kenya ayaa waxay soo warisay in ka badan 50 kiis oo Covid-19 ah. Dhimashaddu waxay gaareysaa laba ruux. Illaa iyo haatan, waxaa laga baaray xanuunkaas in ka badan kun qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM