Ku dhowaad 700 qof oo u dhimatay cudur ka dilaacay Zambia

Image
In ka badan 19,000 oo qof ayuu ku dhacay xanuunkan tan iyo markii uu soo shaac-baxay bishii Oktoobar 2023-kii.

NAIROBI, Kenya - Tirada dhimashada cudurka daacuunka ee Zambia ayaa gaartay ku dhawaad ​​700 ruux, sida ay sheegtay hay'adda samafalka caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF).

Waa tiradii ugu badnayd ee abid dalka laga diiwaan geliyo. Waxay ka bilaabatay caasimadda Lusaka, bishii Oktoobar, tan iyo markaas waxay ku fiday dhammaan gobollada Zambia oo uu ku dhacay in ka badan 19,000 oo qof.

MSF waxa ay sheegtay in daacuunka si fudud loo daweeyo - fuuq-celinta - laakiin haddii aan la helin daryeel habboon uu qofku ku dhiman karo saacado yar gudahood.

Cudurka ayaa waxaa sababa biyaha wasakhaysan, sidaas darteed helitaanka biyo nadiif ah oo la cabbo ayaa muhiim u ah joojinta sii faafitaanka, sidda ay ku taliyeen inta badan khuburadda caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM