Laba qof oo lagu helay dambiga weerarkii Al-Shabaab ee Westgate Mall

Image

NAIROBI, Kenya – Maxkamad ku taala caasimada Kenya ee Nairobi ayaa Arbacada maanta ah waxay dambi ku heshay laba kamid ah saddexdii ruux ee loo haystay weerarkii xarunta loo dukaameysi tago ee Westgate Mall.

Falkaas oo dhacay sanadkii 2013-kii waxaa ku naf-waayey ugu yaraan 67, waxaana dhismaha ay dableyda Al-Shabab haysteen afar maalmood.

Garsoore Francis Andayi ayaa xusay in Maxamed Axmed iyo Xuseen Xasan Mustafa ay yihiin "dambiileyaal galay dacwada lagu soo oogay".

Eedeysanaha saddexaad oo lagu magacaabo Liibaan Cabdullaahi Cumar ayuu iclaamiyey in uusan dambi gelin, loona celiyo xorriyadiisa.

Tani ayaa la macno ah in qofkii labaad oo lagu tuhmay weerarkaas oo dambiga lagu waayey. Aadan Dheq oo lasii daayey sanadkii 2019 wuxuu ahaa shaqsigii koowaad.

Intii ay maxkamadeyntu socotay, 145 markaati ayaa la horgeeyay xeer-beegtada kuwaasoo soo bandhigay caddeymaha eedeysaneyaasha.

"Xukunka dambiileyaasha waxaa lagu dhawaaqi doonaa 22-ka October, 2020," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Garsoore Francis Andayi.

Tirro laba jeer ah ayaa horey dib loogu dhigay xukmida eedeysaneyaasha, mana la shaacin sababta dhabta ah. Dhamaan la tuhunsaneyaasha waxaa lasoo qabtay todobaadyo kadib markii uu dhacay falkaas mahadhada reebay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM