Laba qof oo Soomaali ah oo lagu xiray garoonka diyaaradaha Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidamadda ammaanka Kenya ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee Jomo Kenyatta waxay ku xireen laba qof oo Soomaali ah, sidda ay ku warantay wargeyska afka dheer ee Daily Star.

Shaqsiyaadka xorriyadda laga qaadey oo lagu kala magacaabo Barre Aadan iyo Cusmaan Maxamed ayaa waxaa la wariyey in Isniinta maanta ah lagu qabtay madaarka iyagoo sita Khaad qalalan oo cusub.

Waaxda Dambi-baarista ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda gaarka ah ee Twitter-ka waxay ku shaacisay in Barre uu boorsadiisa ku watay maandooriye culeyskiisa uu gaarayo 20 kiiloo-garaam.

Sidda laga soo xigtay warbixintaas, Cusmaan dhankiisa waxaa boorsadiisa laga helay Khaad culeyskiisu dhan yahay 5 kiilo garaam.

"Labadooda waxaa lagu soo oogi doonaa dacwad ah in ay dhoofinayeen badeeco la mamnuucay, sidda uu xeerinayo Xeerka Maamulka Kastamka ee Ururka Bulshada Afrika," ayaa la raaciyey bayaanka.

Xeerkaas ayaa dhigaya in qofkii lagu helo fal-dambiyeedkaas lagu xukumi karo ugu yaraan shan [5] sano oo xabsi ah ama ganaax lagu saleynayo qiimaha badeecadaas iyaddoo lagu dhufayo sintigii.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey waddanka uga mamnuucay maandooriyahaan sabab la xiriirta Coronavirus. Talaabadan waxay culeyska ku kordhisay hogaanka Kenya kuwaasoo isku dayay qaab walba oo lagu qaadi karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM