Wasiiro laba asbuuc gudahiisa loo xiray "in ay xadeen" jiingado

Image
Xeer-ilaalinta ayaa sheegtay in labada mas'uul ay tahay in ay wajahaan cawaaqib-xumada ficilkooda.

KAMPALA, Uganda - Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Maaliyadda Uganda ayaa Isniintii shalaya ahayd xabsiga loo taxaabay, sidda ay ku warantey saxaafadda maxaliga ah ee waddankan.

Xariga Amos Lugolobi ayaa ka dambeeyay kadib markii lagu eedeeyay inuu lunsaday jiingado loogu talagalay dadka danyarta ah ee ku nool gobolka Karamoja ee waqooyi bari dalkaasi.

Lugolobi oo la horkeenay Maxkamadda La-dagaalanka Musuq-maasuqa, sida ay Xeer-ilaalintu sheegtay, waxa uu si sharci-darro ah u qaatay 700 oo jiingado ah oo hore loogu rinjiyeeyay oo loogu talo-galay dadka ku nool Karaamoja intii u dhaxaysay July 2022 iyo March 2023.

Inkastoo uu og yahay inay yihiin hanti dadweyne, haddana waxaa la sheegay inuu isticmaalay qaar ka mid ah jiingadahaas in uu ku hagaajisto daashka beertiisa gaarka ah ee ariga.

Wasiirka oo fursad loo siiyey in uu ka jawaabo eedeymahan intii uu hor-taagnaa maxkamadda ayaa gaashaanka ku dhuftey eeda ah in uu musuqmaasuqay xoolo dadwayne.

Lugolobi ayaa lagu sii daayay xabsiga Luzira ilaa 20-ka Abriil markaasoo uu mar kale kasoo muuqan doono maxkamadda si loo dhageysto dacwadda. Wasiirka oo adeegsanaaya qareenadiisa, ayaa dammaanad dalbaday sababo caafimaad daro balse lama ogolaan.

Waa wasiirkii labaad oo muddo labo todobaad gudahood ah loogu xiro Uganda arrimo musuq-maasuq. 6-dii Abriil, wasiirkii ka masuulka ahaa Karamoja, Mary Kitutu, ayaa jeel looga dhigay isla kiiskan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM